Maxaa ka jira wararka sheegaya in Beesha Caalamku saartay culeys Madaxweynaha Jubbaland

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Beesha Caalamku saartay culeys Madaxweynaha Jubbaland

Kismaayo (WDN)- Waxaa jira warar maalmahan la isla dhexmarayey oo sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed Islaan ( Axmed Madoobe) uu is casilayo, ka dib markii culeys ay gadaal ka riixayso Dowladda Federaalku uu kaga yimd beesha caalamka oo Kismaayo booqsho ku tagtay 7-11 bishii Nofember, 2019.

Md. Axmed Madoobe iyo wafdi ka socday QM

Wararkaasi oo si aad ah loogu faafiyay Baraha Bulshada iyo qaar ka mid ah shabakadaha internet-ka, ayaa hadal heyntiisu soo xoogeysaneysay.

Haddaba si aanu wax uga ogaano wararkaasi, waxa aanu la xidhiidhney dad badan oo ay ku jiraan Xafiiska Qaramadda Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Xafiiska Madaxweyanaha Jubbaland, xubno ka tirsan isbadeldoon iyo dad kale oo madax banaan, islamarkaana arimaha Soomaaliya xog-xogaal u ah daneeyana.

Xidhiidh ay WardheerNews la samaysay Xafiiska Madaxweyanaha Jubbaland, waxaa u suurta gashay , in ay su’aalo ka weydiiso wararkaasi la xidhiidha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Md. Xirsi Jaamac Gaani, oo ku tilmaamay wararkaasi kuwo aanay waxba ka jirin.

“ Shirkii aanu la qaadanay wafdigii ka socday Qaramada Midoobay Xafiiskiisa u qaabilsan Soomaaliya wuxuu ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo samayn lahaa dib u heshiisiin lagu xalliyo wixii madmadow ahaa ee dhacay xilligii doorashooyinka iyo madaxweyne Axmed Madoobe xukuumaddiisa cusub uga tixgelin lahaa dadka qaba cabashooyinka.

Dhanka kale xubin ka tirsan isbadeldoonka ayaa noo xaqiijisay in aan ayaga lagala hadlin doorasho lagu celinayo.

Nooma aysan suurta gelin in aanu ka helno war qoraal ah xafiiska QM, hase yeeshee qof ka  mid ah shaqaalaha xafiiskaasi oo naga codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa noo sheegay in wararkaasi ku aadan codsiga QM aanay waxba ka jirin.

Sidoo kale waxaa iyana aanu waraysanay dad madax banaan oo u kuurgala arimaha Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya, oo sheegay in ay aad u adag tahay in mar kale  lagu celiyo doorashooyinkii Jubbaland, islamarkaana shacbiga Jubbaland, guud ahaan Soomaaliya iyo beesha caalamkuna ay arinkaasi baalkeedda iska laabeen, oo hadda ay tahay sidii nabadeynta iyo hawlaha kaleeto ee horyaala Soomaaliya wax looga qaban lahaa.

WardheerNews