Mashruuca taageerada dadka u nugul abaaraha oo Muqdisho laga daah furey

Muqdisho (WDN)- Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta daah furay mashruuca taageerada dadka nugul ee abaaruhu saameeyeen, kaasioo ay maalgalinayaan hay’addo gargaar oo ka socda dalalka Maraykanka iyo Ingiriisla.

Mashruuca taageerada dadka u nugul abaaraha oo Muqdisho laga daah furey

Mashruucan oo socon doona muddo 5 sanno ah, ayaa waxa uu ujeedadiisu tahay in la hormariyo nolosha dadka nugul ee ku nool miyiga iyo magaalooyinka iyadoo sare loo qaadayo koboca dhaqaalaha bulshadada Soomaaliyeed ee danyarta ah. Mashruuca ayaa waxaa maal-gelinaya hey’adaha USAID iyo UKAID, waxuuna ka koobanyahay, kobcinta adeegga awoodsiinta iyo taageerada dhallinyarada, dhiirrigelinta wax soo saarka gudaha, kobcinta dhaqaalaha, Kalluumaysiga iyo dhaqashada Xoolaha nool ,ayadoo dib loo soo nooleynayo mashruuca daaqa qaranka.

Md. Saalax Axmed ayaa sheegay in maashruucan uu wax-wayn ka tari doono bulshada nugul ee Soomaaliyeed, muhiimna ay tahay in si haboon looga faa’iidaysto si 5 sanno kadib ay uga maarmi karaan ku tiirsanaanta taakuleynta dibedda ka imaaneysa, oo isku filnaansho buuxda oo dhanka wax soo saarka la gaaro.

Mashruucaan ayaa daah-furkiisa waxaa ka qeybgalay Wasiirada Qorsheynta, Shaqada iyo Arrimaha Bulsqda, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka, Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Safiirka Mareykanka, Safiir ku xigeenka Ingiriiska iyo wakiilo ka socda hay’adaha USAID iyo UKAID.

Mashruucaan ayaa haddii uu u fulo sida la qorsheeyey ayaa waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa ka hortagga abaaraha soo noqnoqdey ee Soomaaliya, kuwaasi oo aafeeyey dalka, ayadoo  ay hadda jirto xaalad abaareed oo xoogan oo laga baqdin qabo inay macluul isu badasho taasi oo saamaysay kala bar shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.