Farax Aw-Cismaan
Innaa Lillaahi Wa innaa Ilayhi Raajicuun
Marka koowaad waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska Reer Cabdulle Cismaan “Codweyn”, iyo marwo Xaawo Aadan Camey. Sidoo kale waxaan Allah uga tuugayaa inuu naxariistiisa waasica ah siiyo marxuum Shuuke, janaadkiisa naciimka ahna geeyo. Aamiin, Aamiin.
Walow jiil ahaan uu marxuum Shuuke wax weyn iga horreeyay, haddana waxaa jira taariikh, aqoon iyo degaan oo naga dhexaysay, taasoo sal-dhig u ahayd xiriirka qoyska aan ka dhashay iyo qoyska marxuum Shuuke. Shuuke aabbihii Cabdulle Cismaan “Codweyn” iyo aabbahay Maxamuud Aw-Cismaan waxay ka mid ahaayeen saddexdii qof ee bud-dhigay ama lahaa aasaaska Magaalada Garoowe, waxayna ahaayeen saaxiibo dhow iyo weliba deris. Xiriirkaasi ma ahayn mid labada waalid oo qura ka dhexeeyay, balse Shuuke wuxuu la jiil
ahaa saaxiibna la ahaa curadkii aabbahay waa Maxamed Maxamuud Aw-Cismaan (Dr.
Ummad).
Marxuumku xilligii uu ahaa Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya wuxuu deggenaa aqal ku
dhegganaa Dugsiga Banaadir, annaguna waxaan degganayn Casa-popolare iyo agagaarka Baar
Kaah, waxaanan xusuustaa isagoo wasiirku kasoo lugeeya aqalkiisa salaana ugu yimaada
aabbahay oo ay muddo dheer wada sheekaysan jireen. Runtii nin yar baan ahaa berigaas
lamana aanan socon xiiirka qotada dheer ee ka dhexeeyay Wasiir Shuuke iyo aabbahay,
balse, waxaa wax weyn ila ahayd qadarinta dheeriga ah ee uu wasiirku siinayay aabbahay.
Xiriirka aabbahay iyo Wasiir Shuuke ka dhexeeya kuma ekayn oo qudha mid salaan iyo
sheeko, balse waxaan beri danbe ka war-helay inuu jiray xiriir kale oo ku aadanaa
barbaarinta ubadka iyo tayada dudsiyada waxbarasho.
Waxaan horay u ogaa in aabbahay ahaa nin jecel in ubadku wax bartaan, lalana dagaalamo
aqoondarrada, isagoo ubadka magaalada Garoowe iyo kuwuu dhalay isku si ula
jeclaan jiray inay helaan waxbarasho tayo leh, ahaana waalidka keliya ee si joogta ah ula
socon jiray aqoonta la barayo ubadka iyo xaaladaha ay ku sugnaayeen dugsiyada
magaaladu. Sida ay ii sheegeen dad badan oo goobjoog ka ahaa goob uu Wasiir Shuuke
kula hadlayay indheergaradka reer Nugaaleed ayuu u sheegay in Dugsiga Sare ee Garoowe
“Ganbool”, codsiga lagu dhisay uu ka yimid Maxamuud Aw-Cismaan, berigaasi oo aysan Garoowe lahayn dugsi sare, Wasiirkuna sheegay inuu ajiibay codsigaas, fuliyayna in
Garoowe iyo Gobolkii Nugaaleedba yeeshaan dugsi sare oo hoy ah “Boarding” oo ardaydu uga
kala imaan jirtay, Eyl, Taleex iyo Laascaanood.
Marxuum Shuuke, burburkii dalka ka dib wuxuu nala joogay Canada, Nasiib wanaag Wasiir
Shuuke iyo Marwadiisa Xaawo Aadan Camey, waxay go’aansadeen inay dalkii hooyo dib
ugu noqdaan. Lamaanahaani waxay bulshada Soomaaliyeed ee deggan Puntland tareen wax Ilaahay un
uu ka abaal-marin karo. Marwo Xaawo Aadan Camey waxay hirgelisay Xarunta Waxbarashada ee Nabadda iyo Horumarka Gaalkacayo ( Galkayo Education Center for Peace and Development – GECPD).
Xaruntaas oo ay kumanaan gabdho ah oo u badan dadka soo barakacay ama danyarta ahi
ka heleen waxbarasho, daryeel iyo mustaqbal ifaya.
Waxaa kale oo uu Marxuum Shuukena noqday Madaxa Hay’adda Horumarinta iyo Cilmi Baarista
Puntland (Puntland Development and Research Centre – PDRC). Intii uu Marxuum
Shuukhe Hay’adaas madaxda ka ahaa waxuu ka shaqeeyay nabadayta beelaha, u
qareemidda bulshada rayidka ah, waxayna PDRC laf-dhabar u ahaayeen wacyigelinta
doorashooyinka qof iyo cod iyo nidaamka axsaabta badan ee ka hirgalay Puntland.
Marxuum Shuuke kuma ekaan keliya inuu Hay’adda PDRC awoodiisa iyo aqoontiisa geliyo,
balse wuxuu asbaabteedii lahaa dhismaha Daladaha Puntland Diaspora Forum (PDF) ee
Qurbajoogta, iyo PUNSAA oo ah Daladda Urrurada Rayidka ah ee Puntland.
Marxuum Shuuke wuxuu ahaa Barbaariye, Bare, Badbaadiye, Hal-Abuure, Hoggaamiye iyo
Nabadeeye wax badan Ummada Soomaaliyeed u qabtay.
Sifooyinka marxuum Shuuke gaarka uu u lahaa waxaa ka mid ahayd; isagoo ahaa nin nadiif
ka ah musuq iyo maal uruursi, isagoo ahaa shaqsi danta caamka ah si hufan oo aan
hagrasho lahayn had iyo goor ugu heellanaa. Sifaha sida gaarka ah iisoo jiitay oo ay naadir
tahay qof leh waxay ahayd inuu ahaa nin baarri u ahaa hooyadii, isagoo heli kara inuu aqalo
waaweyn ku raaxaysto ayuu aqalkii asal uu ka soo jeeday ugu wehel yeeli jiray hooyadii
Ilaahay labadaba ha u naxariistee, hana ka dhigo kuwa ku kulma hoyga runtaa ee aakhiro iyo
Janaadii Fordowsaad. Aamin, Aamiin.
Farah Aw-Osman
Emai: awosman@gmail.com
Leave a Reply