Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Manifesto 2: War Saxaafadeed

In muddo ah ayaa bulshada Soomaaliyeed ay ka dhur-sugaysay in heshiis laga gaadho khilaafka soo jiitamayay ee u dhexeeya hoggaamiyayaasha dalka. Shaki kuma jiro in fursado badan oo Soomaalidu ay wax ku qabsan lahayd uu ku lumay khilaafkaasi. Haddaba waxa rajo iyo farax geliyay umadda Soomaaliyeed in 17-kii sebtember 2020, Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyadu ay gaadheen is afgarad ku aaddan doorashada 2020/21.

Manifestio– 2, waxay la wadaageysaa bulshada Soomaaliyeed soo dhoweynta war-murtiyeedkii ka soo baxay is-afgaradka Muqdisho. Waxaa hubaal ah in is-afgaradkaasi uu yimid goor ay howl-gab noqdeen hay‘addihii dowladda ee laga sugayay taaba-gelinta hannaanka dimoqraadiyadeed, xasilinta amniga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Haddaba kadib mudda afar sano ku dhow, waxa la isla gartay in laga badin-waayo in la qabto doorasho la muuqaal ah doorashadii afar sano ka hor la galay (doorasho dadban), oo ay ku timid dowladda hadda hoggaanka dalka haysa. Sidaa darteed wixii daddaal ahaa ee baxay, ee isugu jiray wakhti iyo kharaj, waxaa lagu tilmaami karaa hanti ka luntay faca Soomaaliyeed ee maanta nool. Waxaa kale oo muuqata haddii aanan si taxadar leh oo is-oggolaansho iyo wada-oggolid la waayo, in afarta sano ee xigta ay la soo daristo dalka dib u dhac kaleeto oo aan la qaadi karin.

Doorashada dadban ee uu heshiisku ka soo dejiyay meeshii ay dowladda ku laashay in la qabto doorasho wada ogol ah, waxa dalka laga badbaadiyay burbur iyo xasillooni daro mar kale la soo darista. Haddaba in is- faham iyo wadajir dib loogu soo celiyay taladii dad-waynaha iyo maamul-gobolleedyada matalayay, waa guul lagu saxay baal-markii Dastuurka, nidaamka Federaalka iyo wada-tashi la’aantii uu hoggaanka dalku ku socdey muddadaas afarta sano ku dhow. Taasi oo gaabis ku keentay higsigii iyo himiladii ay ummadda Soomaaliyeed ka lahayd in ay ku gaaraan doorasho qof iyo cod ah, doorasho xor ah oo xalaal ah oo dad-waynuhu ay ka wada-qaybgalaan.

Waxaanu hambalyo iyo bogaadin u direynaa Ra‘iisul-Wasaaraha cusub
Md. Maxamed Xuseen Rooble. Waxaanu kula talineynaa in uu muddo xileedkiisa kooban soo dhiso dowlad tayo leh ah oo dalka u diyaarisa doorasho xaq ah oo si xalaal ah ugu dhacda wakktigeedii. Si taas loo helona uu ka fogeeyo siyaasiyiinta lagu tuhmayo musuqa iyo iyo danaha gaarka ah.

Annaga oo u mahadcelineyna dhamaan madaxdii saxiixey heshiiskan iyo dowladaha caalamka oo ku gacan-siiyay, misana waxaa jira arimo mudan in la qeexo si dad-waynuhu ay ugu dhiiradaan taageerada meel-marinta qodobada heshiiska.  Arimahaas oo ah kuwo ay dad-waynuhu ka wal-wal qabaan in ay dib u dhac u keenaan sii socodsiinta heshiiskan,  islamarkaana aanan si dhab ah ugu caddayn qoraalka ku soo baxay war -murtiyeedkii shirka.

Qodobada uu caadku saaran yahay waa kuwan hoos ku xusan: 

  • In dib loogu celiyo Baarlamaanka guddoominta go‘aamadii war-murtiyeedka ku soo baxay
  • In guddiga doorashada uu noqdo mid ka madax-bannaan fara-gelinta xukuumadda
  • Haddii qorshaha doorashooyinka ay bilaabanaysaa 1-da Nofember, in la caddeeyo goorta ay doorashadu dhacayso

Manifesto II

Halkan ka akhri- Bayaankii Manifesti 2


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.