Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Manifesto 2- Bayaankii Labaad

Mugdiga hareereeyey geedi-socodka dowladnimo ee Soomaaliya, waxa uu ahaa mid muddo  soo jiitamayay oo muuqdey, iyada oo sidii ay horey uga digtay Maanifesto 2, uu dalku marayo marxalad kala guur oo xasaasi ah, oo aad ugu eeg tii la soo daristay dalka sodon sano ka hor 1990. Waxaa mugdigaas ka markhaati kacaya xaaladdaha isa-soo tarayay, fashilka siyaasaddeed iyo ku tumashada dastuurka ku-meelgaarka ah, taasi oo ay ugu dambeysay dhacdadii  Baarlamaanka 25-kii Julay 2020 xilka looga qaaday Wasiirkii 1-waad Md. Xasan Cali Khayre, iyada oo loo maray dariiq sharci darro ah .

Waxaa sidoo kale saaxadda siyaaseddeed ee Soomaaliya  hormuud ka ah oo si aad uga dhex muuqda Qaswadayaal (spoilers), wadanka u horseedi kara bubur iyo xasilooni darro horleh. Kuwaasi oo loo baahan yahay in Ummadda Soomaliyeed ay meel uga soo wada jeedsato.

Xil ka qaadistaasi  Wasiirk 1-waad, waxa ay timid xilli Dowladda Dhexe iyo Maamul Gobolleedyadu ay  gaadheen isfahan siyaasaddeed iyo wadi tashi looga gudbayo maraxladda kala guurka, taasi oo ka dhalatay shirkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, oo dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo saaxiibada Beesha Caalamku si aad ah u soo dhaweeyeen.

Haddaba sida aanu ku xusnay baaqeenii hore, annaga oo mar-kale muujineyna wel-welka aan ka qabno burbur iyo dib u dhac markale ka curta Soomaaliya iyo ciriiri siyaasaddeed oo aan dib looga soo kaban karin, waxaanu ku baaqeynaa:

  1. In la xushmeeyo oo lagu dhaqmo dastuurka dalka
  2. In la ilaaliyo heshiiskii Dhuusamareeb 2 ay ku gaadheen DFS iyo Maamul Gobolleedyadu, islamarkaana la dhamaystiro oo dhabaha loo xaadho shirka Dhuusamareeb 3 ee bisha Ogost 15, lagana talo geliyo ururrada mucaaradka iyo bulshada rayidka (stakeholders)
  3. In ay dalka ka dhacodo doorasho wakhitgeedi, oo aanay jirin muddo korodhsi
  4. In ay dalka ka dhacdo nidaam doorasho ku yimid wada tashi oo wada ogol ah
  5. In xilka laga fogeeyo madaxda qaswadayaasha ah (Spoilers) oo caqabadda ku ah geedi-socodka dowladnimada Soomaaliya.

Ugu danbayn waxaanu u mahad celineynaa madax-waynayaasha maamul-gobolleedyada go’aankii dhiirinaanta lahaa oo ay ka soo saareen shirkii Dhuusamareeb. Waxaa kale oo aanu mahad celineynaa dowladaha saaxiibada ah oo hiillada la garab-taagan Soomaaliya si ay dib ugu hanato doorkii ay dunida ku lahayd.  

Manafesto 2 group
Facebook- Manifesto-2


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.