Cunnada, xoolo-dhaqashada iyo ugaarta dhulkayaga
“ Dhulkayaga waxaa laga cunaa; wax la karsho, wax la dubo iyo wax la dhamo. Waa intaa cuntada la yaqaan ee dadku cunaa, miraha ma ahee. Dadka magaalada joogaa waxa uu cunaa bariis, timir iyo kibis. Kibista waxay u dubaan caynado badan. Tan engegga lagu cuno waxaa iyadana loo dubaa caynado badan: cuwaaf, buskut, kidaar, moofo, kackac iyo caynado badan oo kale oo aanan anigu hadda magacyadoodii garanayn. Tan kale ee sida jilicsan loo dubo waxaa la yiraahdaa: cambaabur iyo quraac macaan; cambaaburka ayaase ugu wanaagsan.
Oonta Xoolaha
Xoolaha horta waa la gowracaa. Geela dhuunta ayaa laga gowracaa, arigana cunaha ayaa laga gowracaa. Wixii aan la gowricin lama cuno oo waa wax bakhti oo kale ah; wixii bakhtiyayna dhulkayaga laga ma cuno. Hilibka waxa uur-ku-jirta ah: beerka, wadnaha, kelyaha iyo xayrta ma ahee inta kale waa la tuuraa. Beerka, wadnaha, iyo kelyaha waxaa cuna dumarka iyo carruurta; xaaraanna ma aha ee dadka ayaa iska caadeystay. Ninkii gurigiisa jooga beerka waa iska cunaa, kelyaha iyo wadnahase marna raggu ma cuno, kan geela ma ahee. Dadka magaalada iyo dadka miyiguba isku si ayay hilibka u wada karsadaan, dadka miyiguse fuudka ma cabbaan, dumarka ma ahee. Hilibka waxa la karsho iyo waxa la dubo mooyee inta kale waa la muqmadeeyaa, oo inta subag lagu shubo ayaa xawaash, geedo cadari, filfil, iyo timir la yaryareeyay lagu daraa. Markii la siku daro ayaa ubbo ama xeero Sibiidi lagu shubaa. Markaa ayuu isla fariistaa oo aroortii lagu quraacdaa, hargalmadana lagu hargelimaystaa. Dhulkayagu weligiisba waa iska sidaas oo hilibka lama madhxiyo habeen iyo maalin wax ka badan. Sidaana waxaa ugu wacan kulaylka oo wixii raagaa waa qurmaan, hilibka la dubo ama kan muqmadda oo weelka lagu guro ma ahee. Labadaasi waxa ay u qurmi waayeen: kan muqmadda subag ayaa laga buuxshaa, kan la dubana waa la qallajiyaa oo sidii qori oo kale ayuu noqdaa, sidaa darteed ayay u duugoobi waayeen.
Hargaha xoolaha
Hargaha xoolaha midna lama tuuro oo mid walbaa wax ayuu taraa. Hargaha ariga qaar qarbadyo ayaa laga dhigaa, qaarna sibraarro ayaa laga dhigaa. Wixii qarbadyo laga dhigo biyaha ayaa lagu dhaansadaa, wixii sibraarro laga dhigana caanaha geela ayaa lagu soo shubtaa marka la xer geeyo. Marka meel fog loo xer geeyo haamaha, dhikilaha, iyo dhiilahaba waa lagu soo shubtaa; sibraarraduse waa ka hawl yaryihiin haamaha oo tuurta ayaa lagu soo qaadi karaa. Dhiilahana haddii aanu geelu fogeyn waa la soo laallaadin karaa. Haamahase iyada oo awr lagu soo raro mooyee lama qaadi karo.
Hargaha inta kale waa la iibshaa oo magaalooyinka ayaa la geeyaa. Marka ay qaaliga yihiin haragga waafiga ah waxaa la siistaa rubiyad iyo bawladi inta ay ugu sarreyso. Hargaha geela iyo lo’da kabo ayaa laga toshaa, amase aqallada ayaa lagu dhistaa si aan roobku u soo marin. Dadka xoolaha badani badanaa waxa ay guryaha ku dhistaan saamaha lo’da, waxaana ugu wacan; saamaha lo’du waa ugu qurux badanyihiin. Maqaarrada nirgaha yaryar oodda ayay ku gurtaan oo marka raggu guryaha oodayo ayuu garbaha saartaa oo oodda isaga dhigaa, si ayan qodaxdu u mudin.
Caanaha xoolaha
Xoolaha waa la maalaa. Geela iyo lo’da waxaa lisa raga, arigana waxaa lisa dumarka. Geela haruubgaal ayaa lagu lisaa; isaga waa la xamaturiyaa oo loo suul-laabaa. Lo’da doobi ama qarrug ayaa lagu lisaa oo waa la duugaa. Ariga dhiil ayaa lagu lisaa, oo idaha waa la sirbiyaa riyahana waa la xamaturiyaa. Idaha marka dumarku lisayaan lug ayay ruuggagga ku qabtaan, riyahana hoosta ayay geliyaan oo waa foorarsadaan marka ay lisayaan.
Ariga caanihiisa subag ayaa laga la baxaa. Marka subagga laga la baxayo; horta caanaha waa la garooriyaa, magacoodana waxaa la yiraahdaa dhito. Caanaha aroorta la lisaa maalintii ayay garooraan, markaas ayaa kuwa habeenkii la liso lagu daraa, dabadeedna arooryadii ayaa la lulaa. Kolka cabbaar la lulo ayay cagaaraan. Markaas ayaa waxoogaa biyo ah lagu shubaa. Marka misana waxoogaa yar la lulo ayaa subag ka yimaadaa. Markaas ayaa subagga ciirta laga baxshaa oo subagga la shiilaa. Marka la shiilo ayaa subagga la kala miiraa oo caaneeyadana gooni loo shubaa miidhana gees loo miiraa oo ubbo lagu shubaa. Caaneeyada waa la iska qubaa ama dumarka ayaa dhama. Subagga miidha ah ee ubbooyinka lagu shubo waxaa la yiraahdaa sixin. Subaggaasu isagu in kasta oo uu raago marna ma duugoobo.
Caanaha geelu subag ma leh oo iyaga waa la dhamaa, badibase waa raagaan. Caanahaas iyaga waa lagu xoog weynaadaa lagumase naaxo. Geela marka la lisayo xoorka ayaa cirkaa u duula. Riyuhu waa xoor weynyihiin ee geel uun baa ka xoor weyn. Iduhuhu se marnaba ma xooriyaan. Geela caanihiisa inta dhayda lagu dhamo ma ahee inta kale waa la dhigaa oo marka ay karuuraan ayaa la dhamaa. Caanaha geela ee aan dhayda ahayn waxaa la yiraahdaa karuur, kuwa arigana waxaa la yiraahdaa garoor. Kuwa arigu iyagu mar mar waa baqaan, mar haddii ay baqaanna lama dhamo. Dhulkanse([1]) ceeb ma aha oo waa la dhamaa ama juban([2]) ayaa laga sameeyaa. Sidaa ayaa caanaha loo galaa.
Xoolo Dhaqashada
Xoolaha mid walba cayn ayaa loo raacaa. Geela waxaa loo daaq geeyaa meel fog oo aan arigu gaarin, lo’du iyadu wax yar ayay geela ka daaq dambeysaa, arigu se isagu ma fogaado oo in uu habeenkii ka hoyan karo ayaa loo daaq geeyaa oo waxaa looga baqayaa waraabaha. Waraabuhu marka ay casargaabadka noqoto ee yara madoobaato ayuu iska soo dhigtaa oo boholaha, buuraha iyo kaynta ka soo baxaa oo iska soo horhoraa. [Waraabuhu] geela mar haddii aanu u habeensan waxba kama guro. Hadde waxa uu arkayaa in dad wado oo ka reebaya, mana uu qaadi karaba.
Ariga isaga haddii waraabe gees ka soo galo neef uun ayuu iska qaataa oo la cararaa, markaana nin neef (?) ah iyo nin dheereeya mooyee nin kale ma gaaro. Arigu sida dhulkan ma yara oo neef iyo laba ma ahee waa kumannaan oo lama ururin karo; mar haddii uu bahal arkana waa uu didaa oo neefba meel ayuu u cararaa. Sidaa darteed ayaan meel fog loogu daaq geynnin oo aan loo habeennimayn. Geela iyo lo’da meel wal oo fog waa loo daaq geeyaa, oo haddii ilaa fiidfiidka la soo gudinayana waxba ma dhibto – iyada oo meeshu hawd tahay oo libaax leedahay ma ahee. Mar haddii ay sidaa tahay, goor hore ayaa la soo carraabiyaa. Haddii aanay meeshu cabsi ahayn ama libaax lahayn, haddiiba waa iska mirtaa oo rag ayaa mira hadhowna seexooga joojiya. Haddii ay bulsho yihiin, habeenkii oo dhan waa iska mirtaa oo raga ayaa qaar miraa. Markii waagu beryo ee ay is yiraahdaan hadda waraabe ma jiro ayay isaga yimaadaan oo xerada aadaan. Geela iyo ariga isku xero laga ma dhigo. Geela duleedka ayaa loo oodaa, awrta la raro qolqolka ayaa la geliyaa, gaanaha gooni ayaa loo oodaa, irmaankana gooni ayaa loo oodaa. Lo’da iyada gooni ayaa loo oodaa, fardahana geela agtiisa ayaa xero looga dhigaa.
Maqasha iyo ariga waawayn gooni ayaa loo kala raacaa ilaa inta ay ka waaweynaanayso oo arigu gurayo. Waxaa sidaa ugu wacan; waa is nuugayaan oo daka ayaan caano helayn. Maqashu marka ay yaryartahay edeg ayaa loo oodaa oo waxaraha gooni ayaa loo oodaa, naylahana gooni. Sidaa waxaa ugu wacan; nayluhu waa fariistaan, waxaruhuna ma fariisanayaan oo naylaha ayay ku dul boodboodaan oo wasakheeyaan. Sidaa darteed ayaa loo kala oodaa. Maalintii gaad ayaa loo dhisaa, habeenkiina edegta ayaa la geliyaa. Qofkii aan wax badan lahayni edegna uma dhiso ee qoolal ayuu u sameeyaa oo ku xirxiraa marka ay waawaynaadaan. Waxaa sidaa ugu wacan; dadka ariga badan lehi qoolal ayaanay gaarsiin karin oo xerada oo dhan ayaanay qoolal ka wada dhigi karin. Sidaa darteed ayay edegga ugu oodayaan. Maqashu marka ay dhalato ilaa dhowr casho ariga laga ma maalo oo ilaa inta ay kobcayso habeenkiina laga ma xareeyo. Inta ka dambaysa ayaa laga maalaa, haddii laga maalana wax ayaa loogu reebaa. Mar haddii ay daaq tagto se wax fiican loogu ma reebo, illeen geedaha ayay cunaysaa oo caanaba uma baahna e. Markaa ayaa carruurta la raaciyaa oo la yiraahdaa “maqasha dawacada ka ilaaliya yaanay cunine”. Dawaacadu dhulkayaga waa badantahay oo wax kaga xun ariga. Mar haddaanay arag qof weyn oo ay is tiraahdo kaasi waa ku dilayaa kama hakato. Carruurta iyada waaba isaga soo hindhaadhistaa, oo iyagaba haddii ay jiifjiifto oo huruddo waa cuntaa. Dawacadu ariga waaweyn haddii aanay cidi la joogin waa cuntaa, idaha ayayna ku sii xuntahay . Waxaa sidaa ugu wacan: iduhu bari ayay leeyihiin oo haddii lagu soo ordana orodka ayay kaga dheregtaa. Riyahase iyada oo cidleysata oo inta dhuuxdo bakhtiisata ma ahee sahalkaa uma disho, illeen wax ay ka sii luflufato ayaysan lahayn e.
Ugaarta
Ugaarta inta xalaasha ah hilibkeeda ayaa la cunaa. Waxa ay kala yihiin: biciidka, cawsha, deerada, dibtaagta, goodirka, garanuugta, siigga, adeeryada, bayrada, sakaarada iyo bakaylaha. Intaa oo dhammi waa wada xalaal, hase ahaatee, bakaylaha marnaba lama cuno. Sakaarada iyada dadka badankiisu waa iska cunaa. Dadka ugaarsada se wixii dabinka u galaba waa iska cunaan, illeen waa dad waxa ay dabanayaan ma ahee aan xoolo kale lahayn e. Geriga iyo maroodiga lama cuno, laakiin labadaba waa la laayaa oo gerigana saantiisa ayaa gashaammo laga dhigtaa maroodigana foolka ayaa laga la baxaa. Goroyada lama cuno, iyada se baalasha ayaa laga gurtaa. Waa intaa xoolaha iyo ugaadha, inta wax tarta ee hilibkooda la cuno ama saantooda lala baaxaa.
Shimbiraha
Wixii shimbiro sheegta oo dhan lama cuno, qoolleyda iyo jugleydu se waa xalaal ee dadka ayaa iska caadeystay oo aan cunin. Waxaa sidaa ugu wacan; dadka ayaa iska dheregsan oo qof waliba xoolo iska leeyahay. Haddiise ay gaajoonayaan oo ayan xoolo lahayn, sida dhulkan ayay wax walba iska cuni lahaayeen. Waa dad iska dheregsan oo mid walibaa geel iyo ari ka buuxaa oo aan waxba u baahnayn. [Dadka] aan xoolaha lahayni iyagu wax walba waa iska cunaan oo ugaarta ay ugaarsanayaan iyo dadka ay baryaan ma ahee wax kale kuma noola.”
Dhammaad.
Faallo kooban
Sida ka muuqata xog-warrankan dheer, waxa ay ila tahay in waxyaalo badan oo ka mid ah sidii Soomaalidu waagaa u noolayd iyo dhaqannadoodii oo ilaa waagan in badani aanay doorsoomin laga ogaan karo. Waxa aan gaar ahaan filayaa in qaybta cunnada Soomaalida ka sheekaynaysaa ay u qalanto dhigaal cunnada iyo cunno karinta Soomaaliyeed laga qoro kii ugu horreeyay, inta aan ka warqabo. Waxaa kale oo intaa dheer ereybixin door ah oo laga kororsan karo. Tusaale ahaa; magacyada hababka xoolaha noocyadooda loo liso, sida xamaturin iyo sirbin oo kolleyba aanan anigu waligay maqal.
La soco qaybo kale oo iyaguna xiiso badan.
Tifaftire Boodhari Warsame
Email: Bodhari.warsame@gmail.com
[1] Jarmalka oo uu markaa joogay.
[2] Jubnad ama farmaajo.
___________________________________________________________________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Leave a Reply