Iyadoo in dhawaydba shacabka Soomaaliyeed ay u dhegtaagayeen magacaabista xubnaha xukuumadda cusub ee ra’iisalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali sharma’arke, ayaa waxaa muuqanaysa in ismariwaa dhinaca xubnaha buuxinaya xilalka goluhu ka dhex ooganyahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisalwasaare Sharma’arke.
Ra’iisalwasaaraha oo caddaadis badan kaga imanayo dhinacyo kala geddisan oo dano iyo aragtiyo iskhilaafsan leh, ayay dhibaato weyni ka haysataa sidii uu u wada qancin lahaa dhinacyadaas.
Warar aan ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaruhu ay si weyn isugu maandhaafsan yihiin ka mid noqoshada golaha wasiirrada xubno ay madaxweynaha aad isugu dhawyihiin oo ka mid ahaa xukuumaddii Cabdiweli ee kalsoonida lagala noqday oo ra’iisalwaasruhuna ka biyodiidsanyahay.
Wasiirrada awoodda badan ee Damul Jadiid oo sabab u ahaa kalsooni kala noqoshadii baarlammanka ee ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa wararku tibaaxayaan in madaxweynuhu rabo in ay xukuumaddan cusub ka qabtaan xilal muhiim ah. Dhanka kale ra’iisalwaasarraha oo si buuxda ugu baraarugsan aragtiyaha aan fiicnayn ee ay shacabka Soomaaiyeed badidiisu ka qabaan xubnahan iyo sumcad xumada iyo kalsooni darrada ay u soo jiidi karto arrintani shakhsyaddiisa, ayaa ilaa hadda ku adkaysanaya in aannu golihiis ku soo dari doonin wasiirradaas ay madaxweynaha aadka isugu dhowyihiin.
Ilaa iyo hadda ma cadda sida ay madaxweynaha iyo ra’iisalwassaaraha oo labadoodaba caddaadisyo ba’ani ku oogganyihihiin ay isugu tanaasuli karaan si ay meel dhexe isu yimaaddaan.
Dhanka kale xildhibaano la sheegay in ay tiradoodu gaadhayso ilaa 100, oo bayaan ka soo saaray maanta magaalada Muqdisho, ayaa uga digay ra’iisalwasaaraha in uu xukuumaddiisa ku soo daro xubno ay ku tilmaameen in ay xuddun u ahaayeen xasilloonidarrda siyaasadeed ee joogatda ah ee sababta u ahaa ridista xukuumaddihii hore.
Mudanyaasha soosaaray bayaanka, ayaa sida ay ku xuseen qoraalkooda, magacyada xubnaha ay ku tilmaameen in ay xuddun u yihiin xaslloonidarrada siyaasadeed ku sheegay inay kala yihiin:
1. Xuseen Cabdi Xalalne
2. Faarax Sheekh cabdulqaadir
3. Cabdkariim Faarax Guuleed
4. Cabdulaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe)
Xildhibaannadan oo isku magacaabay Golaha Badbaadinta Qaranka, islamarkaana ka tirsan Madasha Midnimada iyo Dimuraadiyadda Soomaaliyeed, ayaa sidoo kale ra’iisalwaarraha ugu baaqay in uu fuliyo ballanqaadyo ay hore isula gaadheen oo ku saabsan dhisidda xukuumad midnimo qaran oo si isleeg ay uga dhex muuqdaan labadii garab ee isku hayay siyaasadda Soomaaliya xilligii uu taagnaa ismaandhaafkii madaxweynaha iyo ra’iisalwasaarihii la eryay.
Arrintan ayaa haddaba waxay sii kordhin doontaa culayskii ra’iisalwasaaraha ka haystay sidii uu shacabka Soomaaliyeed ugu soo bandhigi lahaa xukuumad ay ku kalsoonyihiin, kana fili karaan waxqabad iyo in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka gudbiso marxalladan adag.
Khilaafkan oo daahitaan badan ku keenay magacaabista xukuumadda cusub, ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay markii u horreysay tan iyo burburkii shirkii wasirrada arrimaha dibadda ee IGAD iyadoo aanay Soomaaliya ka jirin xukuumad rasmi ahi.
Si kastaba ha ahaatee xubnaha xukuumadda laga dhursugayo in uu ku dhawaaqo ra’iisalwasaaruhu, waxay noqon doontaa ifafaale laga garan doono in Md. Sharma’arke si buuxda ugu hawlgallo awooddihiisa dastuuriga ah iyo in uu yahay maqaarsaar kursiga iska fadhiya.
WardheerNews
Leave a Reply