Madaxweynihii Hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Oggolaaday Dadaallada Xalraadinta Xiisadda Muqdisho

Madaxweynihii Hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Oggolaaday Dadaallada Xalraadinta Xiisadda Muqdisho

Muqdisho (WDN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa oggolaaday in uu ka guuro hoygii uu dhawaan ka degay deegaanka Mirinaayo ee Muqdisho, isagoo dib ugu laabanaya gurigiisii hore ee agagaarka garoonka diyaaradaha. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dejinta xiisaddii siyaasaddeed iyo amni ee ka taagnayd caasimadda.

Go’aankan ayaa yimid kadib dadaallo dhexdhexaadina oo ay hoggaaminayeen odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ka shaqeynayay in khilaafku uusan isu beddelin iska horimaad ballaaran.

Wali wax tanaasul ah kama soo bixin dhinaca Xasan Sheekh, iyada oo is-afgaradka la soo jeediyay  u muuqdo mid culayskiisu saaran yahay dhinaca mucaaradka, halka Xasan Sheekh uu weli ku adkeysanayo isbeddelladiisa doorasho iyo dastuur oo hal dhinac ah arrin aan horseedi karin xal siyaasadeed oo waara, balse noqon karta xal ku meel gaar ah oo lagu qaboojiyo xiisadda degdegga ah.

Wararka ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo dhexmaray Shariif Sheekh Axmed iyo odayaal dhaqameed uu door weyn ka qaatay dejinta xiisadda Mirinaayo. Odayaasha ayaa ku booriyay Sheekh Shariif inuu mudnaanta siiyo xasilloonida Muqdisho kana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta dagaal hubeysan. Waxaa la filayaa in Shariif Sheekh Axmed ayaa dib ugu laabtay hoygiisa oo u dhow Garoonka Aadan Cadde.

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya inuu Shariifku diiday inuu la kulmo wafdi ay ku jireen Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, isagoo doorbiday in wada-hadallada lagu sii wado odayaasha dhaqanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha kale.

Ka bixitaanka Mirinaayo ayaa loo arkaa tallaabo tanaasul iyo nabadeyn ah oo yareyn karta cabsida laga qabay isku dhac dhexmara ciidamada dowladda iyo ciidamo hubeysan oo halkaas ku sugnaa. Xiisadda Mirinaayo ayaa si weyn u saameysay siyaasadda Soomaaliya, iyadoo baaqyo nabaddeed ay soo jeediyeen odayaal, siyaasiyiin iyo beesha caalamka.

Inkasta oo xiisaddii iska horimaadku ay hadda u muuqato mid qabowday, haddana  waxaa jira walaac wajiga xiga ee wada-hadallada siyaasaddeed, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, amniga iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaaliyeed waxay arrintan u arkaan tusaalle muujinaya in wada-hadalka, iyo dhexdhexaadinta dhaqanka ay weli yihiin waddooyinka ugu muhiimsan ee lagu ilaalin karo midnimada iyo nabadda dalka.

WardheerNews