Monday, May 20, 2024
Wardheer News
  • News
  • Warar

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar dhulka ah ku tagay magaalada Marka iyo kulumo soconaya

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka markii u horeysay safar dhulka ah ku gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo ah booqashadii u horeysay oo dhulka ah oo Madaxweynuhu ku tago meel ka baxsan Caasimada Soomaaliya.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo ciidamo fara badan lagu daadiyay wadada isku xirta Muqdisho ilaa Marka, waxaana waabarigii hore saaka dadka ku nool magaalada Marka ku soo tooseen ciidamo fara badan oo jid walba taagan.

Kolonyada galbisay Madaxweynaha oo isugu jira kuwa ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa saakay aroortii ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo sii maray wadada laamiga ah ee Muqdisho iyo Afgooye, kadibna u gudbay dhinaca Marka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha ka qeyb geli doono munaasabad lagu dhaqan gelinayo heshiis ay gaareen labo beelood oo horay ugu dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana magaalada Marka ku sugan wafdi ka socda Wasaarada Arrimaha gudaha oo dhowaan gaaray.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligan kulamo kula leh Xarunta Gobolka ee magaalada Marka odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay.

Wariyaha Radio Wardheer ayaa sheegaya in socdaalka Madaxweynaha ay ku wehliyaan xubno ka tirsan Labada Gole, sida Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Xildhibaano iyo Taliyeyaasha ciidamada.

Kulamada ka socda Xarunta Gobolka magaalada Marka ayaa looga arinsanayaa arrimaha amaanka iyo sidii loo xoojin lahaa heshiis Wasaarada Arrimaha gudaha ay kala dhex dhigtay labo beelood oo horay ugu dagaalamay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wafdiga Madaxweynaha ay caawa ku hoyanayaan magaalada Marka, taasoo noqoneysa markii u horeysay meel ka baxsan Caasimada ee Koofurta Soomaaliya uu ku hoydo.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee Madaxweynaha ku tago deegaanada Shabellaha Hoose, iyadoo horay safara gudaha dalka markii la doortay uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyn iyo deegaanada Puntland.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.