Muqdisho (WDN)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabad maanta ka dhacdey madaxtooyada Villa-Soomaaliya kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirka cusub ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta Axmed Jumca Al-Rumeysi.
Axmed Jumca ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiyey salaan iyo dhanbaal uu ka sidey madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayid taasi oo muujinaysa ixtiraamka, qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal.
Sidoo kale safiirka cusub ee Imaaraadka ayaa sheegay in dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen .
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo soo magacaabau waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto waajibaadka loo soo xilsaarey, kaalin mug lehna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada shacab ee walaalaha ah.
Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa soo hagaagay kadib dib u doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashadii dalka ka dhacdey 15-Kii bishii May ee sanadkaan, waxaana Imaaraatka ay sare u qaadey taageeradii ay siinaysay Soomaaliya oo hakad gashay kadib markii dawladdii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xiriirka u jarey dalkaasi xilligaasi oo imaaraatku taageero xooggan ku bixinayey dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.
Maxamed Cumar Sheekh Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply