Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxey dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxey dalka Turkiga

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxey dalka Turkiga oo uu ka helay casuumaad rasmi ah dhigiisa dalkaTurkiga  Md. Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh

Md. Xasan Sheekh iyo Erdogan ayaa ka wadahadli xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, iskaashiga miro-dhalka ah ee labada dal, amniga, ganacsiga iyo dhibaatootinka abaaraha Soomaaliya ka jira.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku suganyahay dalka Turkiga la filayaa inuu la kulmo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga ku dhaqan, isagoo warbixin ka siin doona xaaladda dalka iyo sidii kaalin ay uga qaadan lahaayeen dhibaatada abaaraha ee dalka ka jira.

Waa safarka 2-baad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka dibeddiisa ugu ambababox tan iyo markii la doortey 15 May 2022, waxaana safarkiisii ugu horeeyey ku gaarey dalka Isu taga Imaaraatka Carabta magaalo madaxdiisa  Abu-Dhabi 19 June 2022.

Dawladda Turkiga ayaa ka mid ah dawladaha taageerada xooggan siiya Soomaaliya haddii ay noqon lahayd dhinacyada dhaqaale iyo tan amni, waxaana Turkigu Soomaaliya ku leeyahay xero Milatari oo aad u balaaran taasi oo tababaro xoog leh lagu siiyo ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.