Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatey xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatey xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo booqsho ku jooga dalka Mareykanka, ayaa kulan la qaatey Xoghayaha Arrimaha Dibedda dalkaasi Antonio Blinken. Wadahadlak labada dal ayaa l asheegay in uu ku qotay arimo la xidhiidha maamul wanaaga iyo taageerada dhinaca bani’aadaminmada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatey xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u bandhigey Blinken qorshayaasha dawladda Soomaaliya ee ku aadan la dagaalanka saboolnimada iyo hawlgalada ka dhanka ah  kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ee dadka deegaanka iyo dawladdu iska kaashanayaan. Madaxweyne Xasan ayaa dolwadda Maraykanka uga mahadceliyey taageerada tayeynta ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed .

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in dawladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada hagar la’aaneed ay siineyso Soomaaliya, isla markaana kaalin mugleh ka qaadanayso gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku dhufteen, sidoo kalena ay sare u qaadayso hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab ayagoo kaashanaya ciidamada Soomaaliya.

Dawladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta hay’addaha dawladda, waxbarashada, caafmaadka iyo tababarka iyo qalabeynta ciidamada xoogga ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab. Sidoo kale waxaa dawladda Mareykanka qeyb weyn ku leedahay dadaallada gurmadka xooga leh loogu fidinayo malaayiinta Soomaalida ah ee abaaruhu hayaan.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho