Dawladda Soomaaliya oo odayaal dhaqameed Hiiraan lagu diley ku eedeysey Alshabaab iyo kooxda oo iska fogeysay

Muqdisho (WDN)- Qoraal kasoo baxey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in odayaal dhaqameed lagu diley inta u dhaxeysa magaalada Baladweyne iyo degmada Buulo Burde ay ku dhinteen shirqool ay u dhigeen kooxda Alshabaab.

Wasaaradda ayaa sheegtay in odayaashaan dhaqanka ay u socdeen in ay Alshabaab kala soo xaajoodaan dad kooxda u xirnaa, balse gaarigii odayaasha ay la socdeen wadada miino loo dhigey taasina ay sababtey geerida nabadoon Yuusuf Fiidow, wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow,Nabadoon Mukhtaar Xaaji iyo Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare. Waxaana goobta ku dhaawacmay Nabadoon Axmed Xasan.

Xukuumadda Soomaaliya aya tilmaamtey in falkaan cadeynayo in kooxda Alshabaab ay gudubtey dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka oo ay usoo dhigatey gumaadka dadka rayidka ah iyo odayaasha dhaqanka oo dhiigooda in la daadiyo ay xaaraan tahay.

Dhanka kale kooxda Alshabaab ayaa iska fogeysay eedda kaga timid xukuumadda Soomaaliya, waxa ayna qoraal baraha Internetka u gaarka ah ku sheegtey in odayaashaasi dhaqanka ah ay beegsatey dayaarad nooca duuliye la’aanta ah, ujeedaduna tahay in bulshada laga horkeeno kooxda Alshaab.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho