Madaxweyne Xasan Sheekh oo furey dugsi ay wax ku baranayaan agoon, kana hadlay arrimo badan (Sawirro)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furey dugsi ay wax ku baranayaan agoon, kana hadlay arrimo badan (Sawirro)

Muqdisho, Mey 18, 2013 (WDN)-Madaxweynaha Jamhuurriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarriga ka jaray xarrunta waxbarashada agoonta ee ANADOL, oo ay dowladda Turkigu Muqdisho ka hergalisay.

Xarruntan, oo laga furay degmada Wadajir, ayaa waxa dhismaheedu uu socday in muddo ah, ujeedkuna waxa uu yahay in wax lagu baro illaa iyo 300 oo agoon Soomaaliyeed ah, sida ay ku warameen madax ka tirsan hay’adihii dhisay xarruntaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga iyo hay’adihii kale ee ka qeyb qaatay dhismaha xarruntaasi, oo ay ka faa’ideysan doonaan agoon badan oo aan awoodin inay wax bartaan hadda.

Dhinaca kale madaxweynaha, ayaa soo hadal qaaday arrimaha khilaafaadka maamulka Jubbaland iyo gooni isu taagga Somaliland, oo 18-ka Meey, oo ah markii ay shegeen Somaliland inay Soomaaliya inteeda kale ka go’een ay maanta u dabaal dagtey.

Waxa uu Md. Xasan Sheekh sheegay in ay u muuqatay khilaaf nuucaani ah oo ka dhalan karo Kismaayo, oo ay dowladduna arrinkaasi ka digeysay.

DSC00192
DSC00205
xarun
DSC001953
Waxa uu sheegay in maamul u sameynta dalka loo madax bannaaneeyo dowladda dhexe ee dalka.

Dhinaca Somaliland, ayuu madaxweynuhu ugu yeeray inay wax la qeybsadaan Soomaaliya inteeda kale, intii ay ku mashquuli lahaayeen gooni isu taag aanay buu yiri cidina dan ugu jirin.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ugu dambeyn rajo ka muujiyay in arrimaha hadda dowladda hor yaalla oo idil guul laga gaari doono.

Maxamed Nuur Amiin

WardheerNews.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.