Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa maanta kulan kula qaatay degmada Cadale duubabka dhaqanka, waxgaradka iyo nabadoonada beelaha dega deegaankaasi. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in lasoo afjaro colaadda in muddo ah ka taagnayd halkaasi oo u dhaxeysa beelo walaalo ah.
Kulankaan ayaa looga hadlay dhameystirka arrimaha dib u Heshiisiinta iyo nabadeynta Beelo walaalo ah oo colaad ku dhexmartay deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Shirkaasi ayaa la isku afgartey in xal guud laga gaaro colaadaasi soo noqnoqotay ee deegaanadaasi muddooyinkii danbe ka taagnayd oo in muddo ah odayaasha dhaqanka oo uu hormuud u ahaa imaamka beesha Mudulood ku hawlanaayeen xal u helideeda.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka ka jira deegaanadaasi ay yihiin colaad beeleedyo, taasi oo caqabad ku noqonaysa hawlgalka looga soo horjeedo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.
Md. Guudlaawe ayaa sheeegay in ay jirto caqabad kale oo ah isbaarooyin fara badan oo deegaanadaasi yaala, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya dib u dhaca degmooyinka iyo deegaanada hoos yimaada gobolka Shabeelaha Dhexe.
Madaxweyne Xasan ayaa dhinaciisa sheegay in aan la aqbali doonin isbaarooyinka sharci darrada ah ee daadsan deegaanadan, waxa uuna intaas ku daray in qofkii lagu helo isbaaro uu mudan doono ciqaab sharciga waafaqsan, isagoo tilmaamay in dawladiisu go’aan ku gaartay in la ciribtiro isbaarooyinka iyo fal walba oo ka dhan ah xasiloonida iyo badqabka shacabka.
Ugu danbe masuuliyiinta kasoo jeeda deegaanadaasi ee ka midka dawladda federaalka iyo maamulka Hirshabeelle ayaa saxiixay qoraal ku saabsan in qofkii lagu helo falal ka dhan ah xasiloonida iyo badqabka dadka rayidka, inaysan soo daba kici karin oo cadaaladda la mariyo, si loo helo nabad waarta loona soo afjaro colaad beeleedyada soo noqnoqdey ee caqabada ku noqonaya la dagaalanka argagixisada.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply