Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay dalka Jabuuti. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Ambouli International Airport ee magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha wasiirrada dalkaas, saraakiil ciidan.waxaana halkaas madaxweyne Xassan Sheekh Salaan Sharaf maamuus soo dhaweyn ah uu ka qaatey cutubyo ka tirsan baambayda Jabuuti.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2022/07/Gelle-iyo-Xasan.jpg)
Md. Xasan Sheekh ayaa uga mahad celiyey dowladda iyo shacabka Jabuuti ee walaalaha la ah, soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa. Waxa uuna tilmaamay in booqashadiisa Jabuuti ay bilow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeeya labada shacab.
Safarka madaxweyne Xassan Sheekh maanta uu ku tagey Jabuuti ayaa qeyb ka ah safaro taxane ah oo ujeedadoodu tahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda oo uu madaxweynaha ku tagey Imaaraatka, Ereteriya, Kenya iyo Jabuuti. Waxaana madaxweyne Xasan ku jairaa dadaallo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo wadmada derisk ah si loo xaliyo saaro madmadow soo kala dhexgelay Soomaaliya iyo dalalkaan xilligii dawladdii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply