Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Halkaasi oo la filayo inuu furo shirweynaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamad Laftagareen iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa, ayadoo amaanka magaaladaasi si wayn loo adkeeyey ayadoo ay sugayaan ciidamada amaanka iyo ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS.

Shirweynahan dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa ah mid muhiim u ah xasiloonida Koonfur Galbeed. Shirka ayaa looga hadlayaa xiisadda siyaasaddeed ee ka taagan maamulkaasi, oo u dhaxaysa Madaxweyne Lafta Gareen iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah oo kasoo horjeeda muddo kororsiga maamulka ka arrimiya Koonfur Galbeed. Arinkaasi oo sababay iska hormimaadl dhaliyey dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah.
Gogosha dib u heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa horey u dhigay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxaana ka qaybgalaya xubnaha mucaaradka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho iyo masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Cabdicasiis Lafta Gareen.
Madaxweynaha DFS Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda mid aad u danaynaya in xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed si nabad ah lagu dhameeyo, waxaana hore uu ugu baaqay khilaaf kasta oo jira in miiska wada hadalada lagu dhameeyo. Xasan Sheekh ayaa kalsooni buuxda ka haystaa labada dhinac ee isku haya siyaasadda Koonfur Galbeed ee madaxweyne Lafta Gareen iyo mucaaradka kasoo horjeeda ee uu horboodayo madaxweynihii hore ee maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply