Ciidanka dawladda oo la wareegay gacan ku haynta deegaanka Galcad ee Galgaduud

Ciidanka dawladda oo la wareegay gacan ku haynta deegaanka Galcad ee Galgaduud

Muqdisho (WDN)- Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Xoogga Dalka oo gacan ka helaya ciidamada deegaanka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud. Halkaasi oo Alshabaab in muddo ah ka arrimanayeen.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda FS Md. Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay awood u la’dahay in ay u babac dhigto ciidamada Xoogga iyo maleeshiyaadka deegaanka. waxa uuna xusay in ciidamada xoogga iminka ku hawlanyihiin xoreynta deegaanada kale ee kooxda argagixisada kaga sugantahay deegaanada maamulka Galmudug.

Maleeshiyaadka Alshabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxa ay baneeyeen deegaano istaraatiiji ah oo muddo ku dhaw 10 sano ka talinayeen, sida deegaanka Ceelhuur iyo Xarardheere.

Degmadn Xarardheere oo kooxda Alshabaab ciidamadeeda ugu awooda badnaa kala baxdey, ayaa illaa iyo hadda ciidamada xoogga dalka gudaha u galin waxaana wasiirka gaashaandhiga maanta uu sheegay in degmadaasi muhiimka ah ay ku wajahanyihiin.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho