Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe xarunta maaamulka Puntland, ayadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Md. Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Generaal Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Md. Saciid Cabdullaahi Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, wasiiro, xildhibaano iyo xubno ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.
Madaxweyne Xasan ayaa ujeedada socdaalkiisa ee magaalada Garoowe ku aadan tahay sidii uu kulan ula qaadan lahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka wadashaqeyneyd ee Puntland iyo tabashooyinka dowlad goboleedka Puntland ka qabto dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidii xal waara arrimahaasi looga gaari lahaa.
Socdaalka maanta ee magaalada Garoowe uu mdaxweyne Xasan Sheekh ku tagey ayaa noqonaya safarkii 3-aad uu ku tegayo maamul goboleedyada, tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii madaxtinimo ee 15-kii May ee sanadkaan ka dhacdey Teendhada Afasiyooni ee magaalada Muqdisho.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho