Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa maanta la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Senator John Kerry oo isagu booqasho ku gaalaa bixinaya waddamo ka tirsan qaaradda Afrika.
Labada mas’uul, ayaa lagu soo warramayaa in kulankooda ay kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sidii ay dawladda Maraykanku u sii kordhin lahayd taageerada ay siiso waddanka Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliya oo ay taageerayaan ciiddamo ka socda waddamada Afrika, ayaa la daalaa dhacaysa sidii ay uga guulaysan lahayd kooxda xagjirka ah ee Alshabaab oo iyadu weli ka talisa magaalooyin muhiim ah oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.
Dawladda maraykan ayaa dhawaan walaac ka muujisay khataraha uga iman kara kooxaha xidhiidhka dhaw la leh ururka Al Qaacida kuwaas oo ay ku jirto kooxda Alshabaab ee Soomaaliya.
Madaxweyne xasan iyo waftigiisa ayaa sidoo kale la filayaa in ay wadahadallo la yeeshaan madaxda dalka Itoobiya oo ciiddamo ka joogaan Soomaaliya.
WardheerNews