Madaxweyne Xasan oo kala diray guddiyada adeegga garsoorka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa

Madaxweyne Xasan oo kala diray guddiyada adeegga garsoorka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa

Muqdisho, Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu kala diray guddiyada adeegga garsoorka iyo la dagaalanka musuqa, waxaana xukuumadda la faray in ay dib usoo dhisaan labadaas guddi si waafaqsan dastuurka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kala dirista labadan guddi ku sababeeyey ” kadib  markuu arkay qoraalka Sumaddiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in xubnaha golaha Adeegga Garsoorka iyo xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan dastuurka iyo xeerarka waafaqsan, ayaa xeer madaxweyne ku baabi’iyey xeerarka madaxweyne ee kala ah  Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda golaha adeegga garsoorka iyo guddiga Madaxa-Bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ahmiyad gaar ah siinaya labadan guddi oo  udub dhexaad  u ah  dowladnimada Soomaaliyeed sidaa daraadeed dhismahooda ayay waajib tahay in loo maro nidaam waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka uu yaala, waxa uuna madaxweynuhu faray xukuumadda  in ay u soo dhisaan labadan guddi si waafaqsan qodobbada 71-aad, 109A iyo 112-aad ee dastuurka kumeel-gaarka ah iyo qodobka 7-aad ee sharciga dhisidda Golaha adeegga garsoorka iyo magaacaabista guddiga madaxa-bannaan ee la dagaallanka Musuqmaasuqa.

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu laalay dhammaan wixii go’aano ahaa ee labadaan guddi ay horey u gaareen maadaama loo marey magacaabista labadaan guddi si aan waafaqsanayn shuruucda dalka u yaalla.

Dalka Soomaaliya oo aanay ka jirin dawlad awood lihi ayaa lagu tilmaamaa waddanka adduunka ugu musuqmaasuqa badan maadaama aanay jirin wax isla xisaabtan ah dhaammaan maamulka dawladda heerarkiisa kala duwan.

Maxamed cuamar Sh. Aadan

WardheerNews, Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.