Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisal Wasaarihiisa oo Khilaaf Weyni Ka Dhex Qarxay

Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisal Wasaarihiisa oo Khilaaf Weyni Ka Dhex Qarxay

Saacid_CulusowWaxaa isa soo taraya wararka sheegaya in khilaaf weyni soo kala dhexgalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasarihiisa Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Inkastoo khilaafkan sababo kala duwan loo nisbaynayo, ayaa haddana wararka laga helayo xarrunta Villa Soomaaliya ay ka middaysanyihiin in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dalbaday ra’iisalwasaare Saacid in uu istiqaaliddiisa soo gudbiyo,

Ilo wareedyo aad ugu dhawdhaw madaxtooyada Soomaaliya oo ay WardheerNews la xidhiidhay, ayaa u xaqiijiyay ismaandhaafka labadan mas’uul. Ilowareedyadan ayaa ku sababeeyay khilaafkani in uu yimid ka dib markii uu ra’iisal wasaare Saacid u sheegay madaxweynaha in iskushaandhaynta uu ku samayn doono xukuumaddiisa aanay ka dhex muuqan doonin xubno miisaan weyn ku leh xilligan golaha wasiirrada oo ay madaxweynaha aad isugu dhawyihiin.

Xubnahan khilaafku ka dhashay, ayaa la sheegayaa in ay ka tirsanyihiin urur diineedka Damul Jadiid, kuwaas oo la sheego in ay yihiin kuwa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maskaxda u sida.

Wararka, ayaa waxay intaa ku darayaan in ra’iisalwasaaruhu uu arrintaas iscasilaadda ka gows adaygay, inkastoo ay jiraan warar kale oo tibaaxaya in madaxweynaha iyo xulafadiisu u ballan qaadeen lacag malaayiin doollar gaadhaysa haddii uu jagada ra’iisal wasaaranimada banneeyo.

Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa tan iyo intii xilkaas loo magacaabay lagu dhaliilayay karti darro, iyadoo awoodihiisii dastuuriga ahaana la sheego in uu maroorsaday, kuna tagri falo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Taasina xilka ra’iisal wasaaraha ka dhigtay mid maqaarsaar ah oo aanu wax saamayn  ah oo la sheegi karo ku lahayn socodsiinta hawlaha xukuumadda iyo go’aan ka gaaristooda.

Yusur AbrarMuddooyinkii ugu dambeeyay, ayaa  musuqmaasuq iyo waxisdabamarin weyn lagu eedaynayay dawladda iyadoo dhawaanna ay iska casishay xilkii guddoomiyanimada Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Marwo Yusur Abraar oo iyadu xilkaas haysay wax ka yar laba bilood ka dib markii sida ay sheegatay lagu caddaadiyay in ay lacago mallaayiin gaaraysa ku shubto xisaabo aan ahayn kuwa bangigu leeyahay. Taasoo illaa hadda aanay dawladdu si rasmi ah wax wara uga soo saarin.

Ma ahan markii ugu horreysay ee la sheego in ra’iisal wasaare Saacid xilka laga qaadayo iyadoo xilligii uu madaxweyne Xasan Sheekh dhawaan socdaalka ku marayay Yurub iyo Maraykanka la sheegay in uu la kulmay shakhsiyaad la sheegay in uu rabo inuu  ku bddelo ra’iisal wasaaraha hadda xilka haya.

Si kastaba ha ahaatee isbeddel lagu sameeyo xukuumadda heerkuu doono ha gaadhsiisnaadee, ayaa dadka badankiisu u arkaan lagamamaarmaan si loo dardargeliyo hawlaha ballaadhan ee laga sugayo in ay qabtaan muddada saddexda sano ee u hadhay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisal wasaare Saacid midkoodna weli kama hadal khilaafkan.

WardheerNews

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.