Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Madaxweyne Mustafe: Alifkii Kaa Xumaadaa Albaqruu Ku Dhibaa!

W.Q. Faysal Cabdi Rooble

Madaxweyne Mustafe Cagjar

Maamulka Madexweyne Mustafa Cumar waxa lasoo darsay culayso fara badan, waxaana sal u ah saddex arrimood:  (1) Waxa xafiiska lagu keenay si aan sharciga waafaqsanay (sidii baarashuudka ayaa xukuumada lagu soo dhex tuuray); (2) Deegaanka Soomaalida oo Fedaraalku farogalin xad-dhaafa ah ku hayo;  iyo (3) Fakir qaldan uu Mustafa la yimid ama uu ku soo biiriyey Deegaanka iyo siyaasadiisa Soomaalida.

Maqaalkani waxa kaliya uu qiimaynayaa qoddobka dambe ee ah fakirka qalaad ee qaldan uu Madaxweyne Mustafa ku soo kordhiyey Deegaanka Soomaalida oo intabadan taariikhdiisi ahayd dad midaysan, gumaystahan meel uga soo wada jeeda.

Kusoo bood ayuu Madaxweyne Mustafa kusoo galay saaxadda siyaasadda Deegaanka. Isbaddelkii lamafilaanka aahaa ee ka dhashay kacdoonka dhallinta Oromo ee Qeero ayaa sababy in  Abiy Axmed loo magacaabo xilka Ra’iisalwasaaraha Itoobiya taariikhdu markay ahayd Abril 2018. Xisbiga Dimuqraadiga Oromada (Oromo Democratic Pary), horeyna u ahaa OPDO, ayaa awooddii kala wareegay TPLF oo iyadu ka timid qowmiyad aad u tiro yar laaiin xuurto ku haysay 105 malyuun oo dalkan federaalka ah ku nool.

Kacdoonkan Abiy keenay oon weli caga dhigan, waxa uu ku caan baxay dagaal sokeeye, Oromoda oo dagaal ku haysa qomiyadaha ku hareeraysan, gaar ahaan Soomaalida, iyo Dawladda Deegaanka oon innaba Soomaalida (dagaalka lagu hayo) aan u miciinin.  Waxa dil, dhac iyo tacaddi lagu hayaa Soomaalida sida sharci darrada ah Canfarta loo hoosgeeyey; welina hal erey ka ma odhan Madaxweyne Mustafa iyo dawladdiisu.  Sidoo kalana wuu ka gaabsaday dhibkii Soomaalida loogu geystay meelaha ay ka midka ahayaayeen Moyaale, Tuliguuleed, Sitti, Baabili iyo Balbalayti.

Haddeer oo laga cabsiqabo in Itobiya sidii  Yugoslavia isku-dhac baaxad leh oo qowmiyadaha u dheexeeyaa ka dhici karo, warwar badan ayey Soomaalidu qabaan, gaar ahaan marka la fiiriyo mabaadida qaldan ee uu Madaxweyne Mustafa aaminsanyahay – waa mabda’ u sad kordhinaya damaca Oromoda.

Hadda muddo shan bilood ah ayaa u dhammaaday dawladdan cusub. Weli wakhti badan ayaa u hadhsan oo isbadal lagu sameyn karo geeddisocodka siyaasadda Deegaanka. Sidaas darteed, waxa qoraalkan aan ku soo qaadanayaa afarta qoddob (factors) ee sal u ah meesha sartu ka qudhnusantahay iyo talo bixin ku aaddan sidii lagu sixi kari lahaa.

Isku kalsooni Darro ka Muuqata Madaxweyanaha iyo Shacabka Laftiisii oo aan ku Kalsoonayn

Isku kalsooni la’aanta waxa sal u ah, qaabkii aan sharciga waafaqsanayn ee ay Abiy iyo Jawar ugu soo dhextuureen MW Mustafa Cumar ay ku soo dhaxtuureen maamulka Deegaanka, gaar ahaan Jawar maadaama aanu Abiy aqoon hore u lahayn MW Mustafa. Falkaasi  Mustafa waxa uu ka xayuubiyay sharciyaddii ama waxa afka qalaad loo yaqaan “legitimacy” ama “ku kalsoonaan shacbka ee awwodda dawladda” Sideedaba, Marka horeba Soomaalidu aad ayey u saluugsanayd sida Addis Ababa Deeganka ula dhaqanto. Tanina waxay noqotay “kadar oo dibi dhal!” Sida cad Madaxnimada Mustafa Soomaali kama iman ilaa hadda.

kalsooni la’aantaas waxa daliil u aha laba halqabsi oo deegaanka iyo dibaddaba caan ka noqday: (1) “MW Mustafa waxba gacanta uguma jiraan;” iyo (2) “haloo kaadiyo oo wakhti hala siiyo” ayay dawladdan cusubi ku sifowday.  Labadan hadalba waxay qeexayaan fadhiidnimo iyo ka gaabis laga dareemayo sidii loo maarayn lahaa caqabadaha kala duwan ee Deeganka horyaala.

Awood badan iyo isku-tashi badan oo Deegaanku lahaa ayaa faderaalku la wareegay, gaar ahaan amniga.  Arintaasaa dhalisay in (1) la wiiqo awoddii iyo dhaqdhaqaaqii booliska gaarka ah ee Deegaanku lahaa, halka kuwa Canfarta iyo Oromo la xoojiyey; (2) tacadi badan oo ciidamada federalku iyo booliska labadan qowmiyadood ee Oromo iyo Canfar ay Soomaalida ku hayaan, (3) xatooyo xoolo ummadeed oo baahsan oo Deegaanka lagu hayo.  Dhacdadii ugu dambaysay waxay ahayd lacag kor u dhaaftay 15 million oo birka Itoobiya oo dharaar cad lagala baxay qasnadaha dawladda.

Intaas waxa weheliya boqolaal kiintaal oo qamadin ah oo loogu talagaly barakacyaasha iyo goobaha Oromo dagaalada ku hayso. Mudo shan billod ah bakhaarada ayuu raashinkaasi iskaga jiraan.  Waxa la mala awaalayaa in shax loo dagi rabo sidii lagu musuqi lahaa rashinkaas oo dadka u baahana lagarab marin lahaa, saa shan bilood ayaa laga qatanyahay.

Arrimahaasi oo dhammii dhibta Deeganka ka taagan asal uma aha waase calaamado ka turjumaya mabda’ qaldan oon Deegaanka ku cusub, curisteedana leeyahay MW Mustafa.

Afar Arrimood oo Deegaanka ku Cusub

Afar arrimoo (factors) uu Mustafa ku halwgalay, si xunna u maareeyey ayaa maanta dhibtay abuureen lala tacaalayaa. Haddaan afartaa arrimood si degdeg ah loo dhayinna, Deegaanka Soomaalidu qatar ayaa soo wajihi doonta.

Afartan Arimood waa kuwo uu MW Mustafa ku hawl galay ama haddaba ku dhaqmo.

1. Fakarkiisa cusub ee Itobiyanimada oo garab marsan Soomaalidu sida ay isku aragto.  Mustafa inkastuu billowgii muujiyay fikir Soomaalinimo waxa hadda cad in uu mabda’ii Soomaalinimada dibugurasho ka sameeyay isagoo hadda isku arkaa in uu Isir ahaan oo kaliya uu Soomaali yahay, laakiin waddani Itoobiyan ah. Arintaasi waa falsaddii ay ku caanka ahaayeen qolyihii xukunka uga horreeyay siiba Cabdi Ilay. Bishii Desember 2018, waxa fakirkaas ku diiday dhallinta Soomaaliyeed ee ku jirta Jaamacada Jigjiga isla markaasna ku hooriisay.  Soomaali waxay qabtaa in nidaam gumeysi lagu qabsaday (colonial conquest) welina aanay helin aayo ka talis taam ah.  Ilaa boqol iyo kontonkii sano ee Itobiya arligan xukumaysay, waxa jinsiyadda Soomaalida qeexayey kolba ninka Addis Ababa ka taliya.  MW Mustafa waxa uu u hadli kari lahaa sidii madax ka horeysay, sida Ina Jire oo kale, ama sida Guddoomiyaha ONLF – Mustafa waxa uu odhan kari waayey in uu dhaho, “haa waa la ina qabsaday, xaqeenana waan helidoonaa., aayaheenuna inaka ayuu gacanta inoogu jiraa, iyo wax la mid ah.” In uu dad boqol iyo konton sano la dilayey, la kufsanayey, gibir iyo baad laga qaadayey uu saddex bilood gudahood ku qasbo in ay fakirkiisa Itoobiyaanimada ah ee gurracan qasab ku qaataan waa fakir Soomaali ku cusub, oo qaldan. Deegaanka weligeedba shaqsiyaad noocaas aaminsani, inkasto oy far ku tiris ahaayeen, waa lagu arki jiray gaar ahaan suldaanada qaarkood. Ingriiskii iyo Itoobiyana odayaal ay laaluusheeni wey jireen (Sylvia Pankharest ayaa wax ka qortay odayaadaas).  Ummadda Soomaaliyeedse fakirka ka soo yeedhay ardayda ayey waligeedba u badnayd, haddana u adan tahay.  Sida qaalibka ahna, fakirka uu MW Mustafa qaatay waa kan inta badan la diidanaa, marka laga reebo odayo la yaqaano iyo shaqsiyaad dawladihii kala duwanaa ee Itoobiya soo maray.

2. Qadiyada Dhulka Jigjijga: intii uu Cabi Muxumed Cumar dagaalka kula jiray, waxa uu Mustafa si qalada ah u maareeyey su’aasha dhulka Jigjiga ka taagan (Jigjiga’s land question). Si uu rer-jigjiga, gaar ahaan beelo qaarkeed u kiciyo, waxa uu wacdi ku bilaabay in Cabdi Ilay beeshiisa dhul badan oo Jigjiga agagaarkeeda ku yaal uu u boobay. Arinkaas laba sano ka hor intaanaan xidhiidhka kala goosan ayaan kala taliyey oon ku idhii arinkaasi sax ma’aha.  Waxaan dareemey in aanu Mustafa xiligaas dhulka Jigjiga waxba ka aqoon. Inkasta uu dad badan dacar ku kiciyey taageero xadaysana uu kaga helay dhalinyao aan wax badan ogeyn, markuu madaxweyne noqday ayuu arkay in beentii uu dhalinta qaarkood ku soo xero galiyey aanay sii socon karayn (Arinta dhulka Jigjiga taariikh dheer oo cakiran ayuu leeyahay markala ayaanan idin la qaybsan doonaa. Kaliya weligeed Soomaali isku maqabsan). Hadana dacar mooyee wax doodiisii dhulka Jigjiga ko soo kordhay majiro.  Dacartaasina waxa laga baqayaa in wajiyo kale ay yeelato.

3. Magaca Qabiilka oo si qaldan loo maalay: Xilligii uu dagaalka ku la jiray Cabdi Ilay iyo xooggag kaleba, Mustafa si cad ayuu ugu dhawaaqay in Deeganka horumarkiisa uu la dagay reerka la yidhaah “Ogaden.”  Waxa uu carrabka ku dhuftay in Cabdi Ilay noqdo shaqsigii ugu dambeeyey ee “Ogaden” ka soo jeeda ee Madaxweyne noqda.  Inkasta oy arrintaasi gaf ahayd waayo-aragnimaduna ku yartahay, waxaad moodaa in hadda arintaasi Deegaanka wax weyn u dhimmayso.  Waxay arrintaasi abuurtay xasaasiyad ama dhaqdhaqaaq qabyaaladeed iyo in farta la isku fiiqo.  Guuxa jira maantana ee meelkasta ka soo maaxaya wacyi galinteeda waxa qayb libaax ku lahaa brobagankii Mustafa iyo xertiisu Baraha Bulshada ka wadeen.

4. Qaabka uu Mustafa (horey iyo markuu madaxweyne noqdayba) uu   maareeyey ama uu fasiray dhibta Soomaalida lagu hayo waxay dhaxal siisay in loo arko in lexejeclada uu Oromo u hayaa ku weyntahay, danta iyo difaaca Soomaaliduna ku yarytahay.  Intaan xafiiskan la keenin Mustafa waxa uu ku doodi jiray (2016 iyo 2017) in Baabili, Balbalyti, Jinacsan iyo meelo Moyaale ku yaalba ay Oromo leedahay. Muddo laba sano ku dhow oo uu daba fadhiistay Jawer iyo xulifadiisa taasoo seejisay fakir saalim ah in uu ka qaato qadiyadda Soomaalida iyo dagaallad sohdimaha ka socda. Mar dagaal xun lagu hayey Soomaalida waxa uu ku dootamay in isagu dhiniciissa uu Oromo geel ugu lisi doono rereka layidhaa “Bulaale.” Ujeedadiisu waxay ahayd isaga iya reerkiisa toona in wax dhib ah aanu Oromo dhex oolin ee kuwa ilaahay baday iyagu isku tashadaan.  Markii uu Jigjiga soo gaadhayna foolxumooyin uu ku kacay lafjab ayey ku noqdeen xafiiska uu fadhiyo. Fakirkaasi weli siyaasadiisa ku aadan Soomaalida soohdimaha dagan waxba iska ma badalin. Welina miciin u manoqon Soomaalida lagu leynayo meelo badan haba ugu dambeeyaan kuwan Canfartu leynayso.

Markaad isku soo wada duuduubto, fakir naafo ah ayuu ku soo kordhiyey qadiyadda Soomaaliyeed, taasoo Soomaali badani ka baqanayso in Mustafa lagu qasbo in deegano Soomaalida ka mid ah lagu daro wax loo bixiyey “Misraq Harar” ama “Bari Harar.”  Arintani, haddaan laga digtoonaan, waa arrin Oromo in badan naasnuujinaysay, Mangistu Xayle Mariam mar hirgaliyey. (Mustafa’s ideology indeed fatally hurt the identity and unity of the Somalis in a way that is malignant and lethal).

Wey adagtahay in MW Mustafa uu aqlabiyad iyo kalsoonida Soomaalida deegaanka si fudud ku helo.  Waxaase soo dadajin kara in dhaawaca uu Deegaanka u gaystay lagaga bogsan karo arimahan:

1. Ku samee nakhtiim buuxa oo bayaansan qaladaadka iyo fakirka qalaad uu ku soo kordhiyey Deegaanka, gaar ahaan afartan arimood een soo sheegnay.

2. Dib ugu noqo shacabka iyo dhallinta oo kala munaaqashoo in muqadas ay tahay fakirka Soomaaliga ah ee Itobiya u arka in gumaysi tahay ayo-kataliska Soomaaliduna uu yahay muqadis.

3.Tus in aad ka madax banaantahay qabqablayaasha Oromo oo tus fal wax ku ool ah in aad u miciinto Barbaarta Siti, halgamayaash Liyu Booliiska Canfarta iska difaacaya, dhalinta iyo waayeelka Baabili, Tuliguuleed, Balbalyti iyo Moyaala oo maatidooda iyo dhulkooda difaacaya.  (Express your sympathy for them and express a vision that gives them a dose of comfort in this trying times) In uu dagaal qaado laga ma rabo. Laakiin waa in uu humaag ama hiraal (vision) ka turjumaya xanuunka iyo xilliiga adage ee Soomaalidu marayso. Waa in uu qareen(advocate) u noqda qadiyadda iyo qowmiyadda Soomaaliyeed.

MW Mustafa Alifkii waa ka xumaaday marka laga eego (1) sida lagu keenay Jigjiga, iyo (2) fakirkiisa qalaad ee ku aadan Deegaanka. Su’aashu waxay tahay, diyaar ma u yahay in uu isasaxo iyo inkale, mise dhaga-adayga lagu bartay ayuu ku adkaysan? Danta guud waxay ku jirtaan in uu dabacsanaan la yimaado isbadal fakarkiisa ku aadana keeno, oo illeen qadiyad mudo dheer loo soo halgamayey sidaas dhibka yar shaqsi siyaasadda ku cusub uma badali karo.

W.Q. Faysal Cabdi Rooble
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.