Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland oo beeniyay warar sheegay in uu DFS u xuubsiibtay

Kismaayo (WDN) – WardheerNews oo la xidhiidhtay Madaxweyne Ku xigeenka 1-waad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid, ayaa sheegay in warar dhawaan soo baxay oo ku aadan in ay u socdaan wada hadolo Dowladda Federaalka, uuna ku sii jeedo Muqdisho, aysan waxba ka jirin.

Md. Maxamuud Sayid, M/weyne Ku xigeenka 1-waad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland

Md. Maxamuud Sayid ayaa aad ugu dheeraaday beeninta wararkaas, islamarkaasna hoosta ka xariiqay, in qaabka kaliya ee uu wada hadal kula geli karo Dowladda Federaalka ay tahay isaga oo matalaya, kana soscda Maamulka Dowlad Geboleedka Jubbaland.

Madaxweyne Kuxigeenka Koowaad, ayaa sheegay in uu dhawaan bixin doono waraysi muuqaal ah siin doona Jubbaland TV, islamarkaasna uu ka hadli doona dhowr qodob oo ay ak mid yihiin 1) Jubbaland iyo Taariikhdii ay soo martay , 2) Gobolka Gedo iyo ka xoreyntii Al Shabaab muddo hadda ku dhow 10 sano ka hor, iyo 3) Been abuurka in uu Dowladda Federaalka u geli doono.

Md. Maxamuud Sayid ayaa hadalkiisa ku sheegay in wadanku u baahan yahay wada tashi, dib u dhis iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa la dagaalanka xooggaga Argagixisada.

Waxaan rajaynaynaa in dhawaan aan idinal wadaagno waraysiga uu sheegay Madaxweyne Xigeenku, Md. Maxamuud Sayid.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.