Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Jamhuuriyadda oo ay booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar

Dooxa,: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweyne Farmaajo (bidix) iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Qatar Jassim Sayf Axmed Al Sulayti,

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Mudane Jassim Sayf Axmed Al Sulayti, Ku Simaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.

Madaxweyne Farmaajo inta uu ku suganyahay dalkan waxa uu la kulmi doonaa Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadli doonaa xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggooda ah.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa kamid ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

DHAMMAAD

Xafiiska Madaxweynaha JFS


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.