Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo meel-mariyey Sharciga Doorashooyinka Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka oo saldhig u ah geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka.

Farmaajo oo saxiixay Sharciga Doorashada 2020/21

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubarada Soomaaliyeed ee so diyaariyey sharcigan, doodihii miro dhalka ahaa ee laga galay oo ka soo bilowday heshiiskii Baydhabo Juun 2018, iyadoo hannaan daah-furnaa lagu ansixiyey, taas oo muujinaysa sida ay uga go’aneyd dowladda in sharcigan uu noqdo mid ka tarjumaya hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed.

“Shacabka Soomaaliyeed, waa aragtaan in dib la idin ku soo celiyey awooddiinii, maantana ay gacantiina ku jirto. In Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay horey u soo ansixiyeen, aniguna aan madashan ku saxiixay caawa, si aad ugu codeysaan xisbiga iyo qofka aad dooneysaan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Xildhibaannada iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyeen sharciyo muhiim u ah hor u socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, kuwaas oo xoojinaya qorsheyaasha Xukuumadda ee xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadidda nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan ku guuleysanay xoojinta wadashaqeynta Dowladda dhexdeeda iyo midda aan la leenahay shacabkeenna, iyadoo aan caddeynay sida ay u kala madax-bannaan yihiin Hay’adaha dastuuriga ah. Waxa ay keentay wada-shaqeyntu in Baarlamaanku ay ansixiyeen 20 sharci, taas oo muujineysa in ay ka duwan yihiin dhammaan Baarlamaannadii hore.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey howlaha muhiimka ah ee u harsan Baarlamaanka 10-aad, kuwaas oo ay ka mid yihiin dar-dar gelinta Dib u eegsita Dastuurka, dhammeystirka xeer-nidaamiyeyaasha doorashooyinka iyo ansixinta xeerarka iyo sharciyada ay u soo gudbisay Xukuumaddu.

Munaasabaddan oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka ayaa inta ay socotay, waxaa khudbad ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdirixmaan, halka Hoballada Qaranku ay soo bandhigeen suugaan isugu jirta wacyigelin, dardaaran iyo dhiirri gelin.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.