Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha badaha

Nairobi; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha oo ka socda magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto falalka sharci darrada ah ee badaha.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirka dhibaatooyinka lagu hayo badda Soomaaliya, mowqifka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay arrinkaas iyo tallaabooyinka lagaga hortagayo dhammaan xad gudubyada lagu hayo xeebaheenna.

“Caqabadaha deegaan ee saamaynta ugu badan ku leh xeebta Soomaaliyeed waxa kamid ah maraakiib shisheeye oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysta, ka ganacsiga dhuxusha aan sharciga ahayn iyo in qashin sun ah lagu soo daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee badda Soomaaliya, qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan ka faa’iideysiga khayraadka badda iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Dowladdaydu waxa ay garoowsan tahay in khayraadka baaxadda weyn ee aan leenahay ee weli aan la adeegsan ay wax badan ka beddelayaaan dhibaatooyinka saboolnimada, cunto la’aanta, biyo yaraanta, baahiyaha tamarta iyo caqabadaha shaqo la’aanta. Sidaasi darteed, waxaannu dejinaynaa istaraatijiyad ballaaran.”

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa lagu soo bandhigaya fursadaha maalgashiga iyo ganacsiga badaha, xoojinta iskaashiga, xal u helidda caqabadaha ku xeeran kafaaiidaysiga khayraadka iyo isu-socodka gaadiidka badda.

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.