Muqdisho, Kulan muran badani ka taagnaa oo uu hore ugu dhawaaqay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Dawladda F. Soomaaliya Md. Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muuday inay isugu yimaadaan maanta xildhibaannada Golaha Shacabku ayaa la sheegayaa in la hakiyay codsi ka yimid madaxweyne Maxamed cabdullaahi farmaajo awgiis.
Md. Muuday oo isagu hadda isku sheega guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hoggaamiya qayb baarlamaanka ka mid ah oo xukuumaddu taageerto oo iyagu raba in ay xilka ka xayuubiyiin guddoomiye Jawaari.
Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo xalay wareegto ka soo saaray xaaladda baarlamaanka ayaa madaxweyne farmaajo ku eedeeyay in uu gabay xilkiisii dastuuriga ahaa, cawaaqib xumada arrintaas ka dhalatana uu mas’uuliyaddeeda qaadi doono madaxweynuhu.
Kulanka ay maanta yeelan lahaayeen xildhibaanadu ayaa laga cabsi qabay in uu dhaliyo khalkhal iyo ammaan darro iyadoo magaalada Muqdishana maalmihii ugu dambeeyay si aad ah loo adkeeyay ammaanka.
Lama oga in xaaladda cakiran ee baarlamaanka lagu furdaamin doono si waafaqsan dastuurka qaranka iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka maadaama ay hadda arrintu u muuqato mid maalinba maalinta ka dambeysa faraha ka sii baxaysa.
WardheerNews, Muqdsho.