Madaxweyne Farmaajo oo Hadlay

Muqdisho, Madaxweynaha Dawladda F. soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tan iyo intii uu eryay ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ay shacabku ku jahawareersanaayeen mawqifkiisa la xidhiidha sidii ay Soomaaliya uga qabsoomi lahayd doorashada Baarlamaanka F. Soomaaliya iyo ta madaxweynaha ayaa maanta kulan gaar ah oo baarlamaanku yeeshay ka jeediyay hadal kooban.

Hadalka madaxweynaha oo qaatay in ka yar 10 daqiiqo ayaa u badnaa beerlaxawsi iyo ammaan uu u soo jeediyay xubnaha baarlamaanka iyo waxqabadka dawladdiisa oo uu ka xusay shuruuc ay soo diyaarisay baalamaankuna meel mariayay kana mid yahay sharciga doorashada.

Haddaba qoddobka ugu muhiimsan ee laga soo qaadan karo qudbaddaas uu maanta madaxweyne Farmaajo u jeediyay baarlamaanka ayaa ah inuu ka qaybgeli doono shirka Dhuusamreeb3 oo qorshuhu ahaa in maanta uu dhaco ka dibna uu dib ugu soo celin doono baarlamaanka go’aankasta oo lagu gaadho Shirkaas.

Madaxweynaha oo arrrintaas ka hadlaya ayaa yidhi, “Waxaan golaha shacabka ku soo celin doonaa heshiis walba oo aan la gaarno dowlad goboleedyada si aad u sharciyeysaan” .

Madaxweyne Farmaajo ayaan isagu dhankiisa waxba ka fulin qoddobadii hore loogu heshiiyay shirkii Dhuusamareeb 2 ka dib markii shir guddi farsamo oo aanay maamulgoboleedyadu u dhammayn uu ku qabtay Muqdisho halkii heshiisku ka ahaa Dhuusamareeb.

Si kastaba ha haatee madaxweyne farmaajo ayaa la aaminsanyahay in uu dadaal ugu jiro sidii uu muddo korodhsi loogu samayn lahaa isagoo ku andacoonaya in waddanka ay ka dhacdo waxa uu ugu yeedho doorasho hal qof iyo hal cod ah, adeegsanayana guddoonka baarlamaanka oo hadda la sheegay in ay jeebadda u galeen Villa Soomaaliya.

WardheerNews, Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.