Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, –Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira shaqooyinka ay qabtaan tubaha horumarinta arrimaha bulshada, Amniga iyo caddaaladda, siyaasadda loo dhanyahay iyo tubta horumarinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee u yaalla tubaha hawlaha lagu guulaystay qabashadooda.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumadiisa ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan isaga oo sheegay in wada shaqaynta wanaagsan ee madaxda qaranku ay sabab u tahay wanaajinta shaqada xukuumadda iyo taabba gelinta qorshaha qaranka.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumaddiisa kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed si guul looga gaaro fulinta qorshayaasha qaranka.

-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.