Madaxweyne Deni oo Ku gacansaydhay Ka Qaybgalka Shirka Dawladda F. Soomaaliya Iyo Dawlad Goboleedyada

Madaxweyne Deni

Muqdisho (WDN)- Iyadoo la filayo in berri oo Isniin ah taariikhduna ku beegantahay 22ka Marso, 2021, ay shir ku yeeshaan xarunta Xalane madaxda dawladda F. Soomaaliya iyo kuw dawlad goboleedyadu, ayaa warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay WardheerNews sheegayaan in Madaxweynaha Puntland Md. Siciid Cabdullahi Deni aanu ka qaybgalayn shirkaas.

Shirkan oo uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo xilieedkiisii ka dhamaaday iyada oo aan doorasho la qaban, ayaa beesha caalamku dadaal weyn ku bixsay sidii uu u qabsoomi lahaa, haseyeeshee wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in ay ku guuldarraysteen in ay ku qanciyaan madaxweyne Deni in uu ka qaybgalo shirkaas.

Inkastoo beesha caaamku wax ka qabatay caqabado dhinaca amniga goobta shirka la xidhiidha oo ay ka walaacsanaayeen madaxda Puntland iyo jubbaland, ayaa haddana wararku tibaaxayaan in shuruudo kale uu ku xidhay madaxweynaha Puntland si ay suurtogal ugu noqoto ka qaybgalka shirkaas.

Madaxda beesha caalamka siiba ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan ayaa la sheegay in ay aad uga xumaadeen ku gacansaydhka Madaxweyne Deni ee dadaalladoodii ay isugu keenayeen madaxda Soomaalida si looga gudbo caqabadaha hortaaggan qabashada doorashada xubnaha Baarlaamnka Federaalka iyo ta madaxweynaha ee muddo dhaafka ah.

Lama hubo ilaa hadda in uu madaxweyne Deni ka soo dabci doono mawqifka uu qaatay kana qaybgeli doono shirka.

Madaxweynaha Jubbaland Md. Axmed madoobe oo ay isku dhan ka taagnaayeen Maamulka Puntland xaaladda cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya, ayaan iyaga ilaa hadda la ogeyn mawqifkooda shirka berri, in kasta oo ay suurta gal tahay in uu ka baaqdo shirka.

Madaxweynayaasha Puntland Iyo Jubbaland ayaa iyagu muddooyinkan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ka dib markii ay martiqaad ka heleen beesha Caalamka si ay ugala tashadaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Caddaadiska uga imanayay madaxda Soomaalida beesha caalmaka iyo dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa kordhay maalmihii ugu dambeeyay taasoo sababtay in madaxweyne Farmaajo ku baaqo in shir la isugu yimaado maalinta Isniinta ee berri ah si looga heshiiyo arrimaha doorashada Soomaaliya.

Shirkan oo la filayo in isla berri la soo gabagabeeyo ayaa loo arkaa fursaddii ugu dambeysay ee ay isugu yimaadaan madaxda Soomaalidu si ay xal uga gaadhaan arrinta doorashooyinka iyadoo heshiisyadii ay hore u gaadheen aanay ilaa hadda waxba ka fulin.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.