Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Cagjar oo Daaqadaha Ka dalacday Shacabka Degamada Tulli Gulleed oo Dariiqa U Tuban Soodhawayntiisa

Shacabkii Tulli Guuleed oo Madaxweynaha soo dhawaynaya

Jigjiga ( WDN)- , Boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Tulli Guuleed ee gobolka Faafan oo maalintii shalay oo taariikhdu ahayd 9ka Febraayo, 2019, bacadka u taagnaa soodhaweynta madaxweyne Mustafe Cagjar iyo wafti uu hoggaaminayay oo ku sii jeeday magaalada Dirdhaba, ayaa la sheegayaa inuu daaqadaha ka dalacday, isagoon isku dayin in uu shacabkaas la kulmo toban daqiiqana ha ahaatee si uu salaamo, tabashooyinkoodana ka dhegeysto.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa marayay dariiqa jid Caddaha ah ee isku xidha Jigjiga iyo Dirdhaba siina mara Tulli Guuleed, maadaama waddadii laamiga ahayd ee tageysay Dirdhaba ay maleeshiyaadka Oramadu ka xidheen Soomaalida.

Shacabka degmada Tulli Guuleed oo tubnaa waddada hareeraheed iyagoo ku qaylinaya halkudhegyo ay ka mid ahaayeen “tola’ay Soomaaliyeey” ayaa madaxweynaha waftigiisu aanay wax dan iyo muraad toona ah ka gelin shacabkaas. Dadka deegaanka Tulli ayaa iyagu sannadihii u dambeeyay wehel u noqday weerrarada ay maleeshiyaadka Oramadu ku soo qaaddo, dad badan oo aan waxba galabsanna ay ku naf waayeen.

Madaxweyne Cagjar oo isagu ah nin ay Oramadu kursiga saartay ayaa in uu wax ka qabto dhibaatooyinka lagu hayo shacabkaas iska daaye, xataa aan mar keliya ka hadal dagaalka ay Oramadu ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee degmada Tulli Guuleed ee uu isagu mas’uulka ka yahay xilna ka saaranyahay badbaadinta naftooda iyo maalkoodaba.

Shacabka reer Tulli oo safarkan uu madaxweynuhu ku soo maray dhulkooda u arkayay fursad ay kula kulmi karaan, madawenuhuna indhiisana ku arki doono dadka tabaalaysan ee barkacayaasha ah ee ka soo qaxay deegaankooda ay Oramadu weerarada joogtada ah ku hayso, ayaa waxa keliya  in ay ka dheefeen noqotay boodhka iyo habaaska ay kicinayeen gawaadhida xawaaraha sare ku socota ee madaxweynaha iyo waftigiisu wateen.

Arrintan ayaa shacabku aad ula yaabeen taasoo muujinaysa damiir xumada madaxweynaha iyo qaabka kala geddisan ee uu ula dhaqmo beelaha Soomaaliyeed ee deegaanka.

Dhanka kale waxaa isasootaraya baaqyada ay waxgaradka ka soo jeedda degmada Tulli Guuleed u jeedinayaan mas’uuliyiinta ugu jirta maamulka Ina cagjar in ay iscasilaan maadaama maamulku aanu wax dan ah ka lahayn dhibaatada ay Oramadu ku hayso shacabka Tulli Guuleed.

Si kastaba ha haatee shacabka Tulli Guuleed oo iyagu horeba uga qancay in uu il naxariiseed ku eego maamulka ka arrimiya Ismaamulka Soomaalida, muddo dheerna keligood iska caabbinayay weerrarada maleeshiyaadka Oramada ayaa arrintani ay sii xoojin doontaa isku tashigooda iyo midnimadooda tan iyo inta laga helayo maamul dadkiisa u damqada oo aan ka doorbidin kursigiisa iyo raaligelinta cidda xukunka u dhiibatay.

WardheerNews

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.