Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Biixi oo Xilka Ka Qaaday Wasiirro Ka Tirsanaa Xukuumaddiisa

Hargeysa, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sida lagu xusay wareegto maanta ka soo baxday xafiiskiisa xilikii ka qaaday wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulkiisa.

Wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee shaqada laga eryay ayaa ahaa kuwo dhawaan baaritaan uu ku sameeyay wasaaradahooda Hantidhowrka Somaliland ay ku eedeeyeen in ay lunsadeen lacago aan la shaacin tiradeeda.

Wareegtada ka soo baxday madaxtooyada Somaliland ayaa u qornayd sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda

Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo);
Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle;
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku: Maxamed Muuse Abees
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:

1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

3. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud

Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga

Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada

Ku: Xasan Hirad Yaasiin
Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

Ku: Ayaanle Salaad Diiriye
Wakiil Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

Magacaabida
Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga

2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

3. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

4. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

5. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

6. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

7. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha

8. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

9. Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

10. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

11. Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

12. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

13. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya

14. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.