Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha Soomaaliya oo magacaabay guddoonka hay’adda Maareynta Masiibooyinka

Muqdisho (WDN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto madaxweyne ku magacaabay xubnaha Guddiga Maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA), isaga oo tixraacaya soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Md. Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladiisu mudnaanta siinayso howlaha gurmadka iyo samata-bixinta bulshada dhibaateysan, waxa uuna xukuumadda ku bogaadiyey ansixinta iyo soo gudbinta xubnaha guddiga maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo golaha xukuumadda cod buuxa ku ansixiyay.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka duulaya codsiga xukuumadda, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Md. Axmed Macallin Fiqi, ayaa wareegto madaxweyne ku soo saaray guddiga maamulka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo kala ah :

1. Maxamuud Macallin Cabdullaahi. Guddoomiye

2. Dr. Axmed Cabdi Aadan. Guddoomiye ku-xigeen.

3. Marwo Luul Axmed Colow Agaasime.

4. Cabdirisaaq Axmed Cali Agaasime.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xubnaha guddigaan in ay si hufnaani ku jirto u gutaan hawsha adag ee loo igmadey waxa uuna u rajeeyey inuu alle u fududeeyo gudashada waajibaadka Qaran.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.