Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa Gaadhay

Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa Gaadhay

cfMuqdisho, May 02 , 2013 (WDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayo oo maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa oo ay kaga qaybgalayaan shir  madaxeedka waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Madaxweynaha iyo waftigiisa, ayaa waxaa garoonka dayaaradaha ee magaalada Addis Abab si diirran ugu  soo dhaweeyay wasiirka arrimaha bulshada ee dawladda federaalka Itoobiya Md. Cabdi fataax sh. Cabdillaahi.

af2Shir madaxeedka waddamada IGAD ayaa  arrimaha lagaga hadli doono  ay ka mid noqon doontaa xaaladda wadanka Soomaaliya iyo guud ahaanba arrimaha gobolka geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in shir madaxeedka IGAD ka dib uu u kicitimo waddanka Biritayn oo 7da bishan May uu ka dhici doono shir caalami ah oo lagu falanqaynayo xaaladda waddanka Soomaaliya, isla markaana dhaqaale loogu ururinayo.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.