Madaxweynaha Jubbaland oo Tababar usoo xiray Dufcadii Sadexaad ee Ciidanka Booliska Jubbaland

Kismaayo, Jubbaland- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maalintii  Isniin ah tababar usoo xiray dufcadii Sadexaad ee Ciidamada Booliska Jubbaland.  kuwaas oo mudo sadex bilood ah uu tababar uga socday Akadeemiyada tababarka Ciidanka Booliska Jubbaland ee Kismaayo.

Ciidankan oo la baray dhamaan casharada layliga Askari iyo dhamaan waxyabaha uu u bahan yahay Askariga Booliska ah ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysa 201 Askari oo isugu jira wiilal iyo Gabdho si wanaagsan loo carbiyay.

Dhamaan Casharada ay barteen ayay madasha kusoo bandhigeen iyagoo sidoo kale geedo ka ciyaar ku hor maray Madaxada hortooda.

Dabagalka, kahor taga danbiyada, barista, ka hortaga rabshadaha, iyo habab kala duwan oo is difaacista shaqsiga ay kamid tahay ayay Askartu goobta kusoo bandhigeen.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa munaasabada ka sheegay in Jubbaland ay dadaal dheer galisay dhismaha Ciidamo Boolis ah oo tayo lleh sidii lagu heli lahaa maadama baahida ugu weyn ee Soomaaliya ay tahay Boolis si wanaagsan u shaqeeya maadama falalka amaanka lidka ku ah ay yihiin kuwo u baahan khibrad iyo xeel dheeri wax ku ool ah.

Madaxweynahu wuxuu ka codsaday Dowlada Federaalka ah in ay si siman u qaybiso waxyabaha lagu helo magaca Soomaaliyeed isla markana dhismaha Ciidamada Booliska la gaarsiiyo Dalka oo dhan la iskana kaashado sidii Boolisku uu u noqon lahaa sidii lagu yaqiinay bari samaadka.

Isagoo ka hadlayay Xoraynta deeganada maqan ayuu hoosta ka xariiqay Madaxweynahu in Booliska maanta tababarka dhamaystay ay yihiin kuwii xasilin lahaa Magaalooyinka gacanta Dowlada ka maqan marka la xoreeyo.

Dhamaan cid walba oo gacan ka gaystay hawshan ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay isagoo Ciidamada ku dhiiri galiyay in Bulshada ay la Saxiiban oo ay u nuglaadan.

Xafiiska Warfaafinta  ee Jubbaland
Kismaayo, Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.