Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxda ka qayb galaysa Shirka Nabada ee Kismaayo

Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, Kismaayo

Kismaayo-  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Axad ah Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada ka qayb galaya gogosha nabada ee uu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Jubbaland.

Wafdiyo ay kala hogaaminayaan Madaxweyneyaasha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf , Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Saacadahii lasoo dhaafay soo gaaray Magaalada Kismaayo oo ah Caasimada KMG ah ee Dowlada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay sida Madaxda Dowlad Goboleedyadu ay usoo ajiibeen baaqiisi ahaa in la isku yimaado oo laga tashado sidii Soomaaliya horay ay ugu sii socon lahayd.

M/weyne Axmed Madoobe ( dhexda) iyo M/weyne Gaas, Kismaayo

Madaxweynahu wuxuu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ku ah umada Soomaaliyeed oo shirkan lagaga hadlayo balse la iskula soo qaadayo sidii Soomaaliya dhabe wanaagsan ay u qaadi lahayd oo ah nabad iyo wax wada qabsi.

Wuxuu intaas ku daray in wax badan oo Bulshadu ay shirkan ka filayso oo wanaag ah ay rumayn doonan isla markana loo aayi doono.

Madaxda ka qayb galaysa shirkan ayaa ka midaysan in Soomaaliya ayna joogin wakhtigii dib ay u noqon lahayd balse loo baahan yahay in la dardar galiyo Dowladnimada curdanka ah isla markana wax walba oo la isku qabto wada hadal iyo miiska nabada lagu dhameeyo.

Xafiiska Warfaafinta

Madaxtooyada Jubbaland

Leave a Reply

Your email address will not be published.