Garoowe( WDN)- Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Md. Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta hortagay Golaha Baarlamaanka Puntland, ayaa ka ocdsaday muddo kordhin ku aadan dhisitaanka Golaha Xukuumadda cusub ee Puntland.

Dastuurka Puntland ayaa dhigay in muddo 21 berri ah, marka la doorto madaxweyne cusub uu ku soo dhiso xukuumadda, oo ku ekeyd bishan Janaayo 28-d. Md. Deni oo la doortay bishan Janaayo 8, ayaa ka codsaday Golaha Baarlamaanka Puntland in loogu daro muddo dhan laba usbuuc (14 cisho) muddada uu ku soo dhisayo xukuumaddiisa.
Md Deni ayaa sheegay in markii uu la tashaday Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, daruufo la xidhiidha dhinaca siyaasadda iyo Amniga, uu codsanayo muddo kordhintaasi 14 cisho.
Baarlmaanka ayaa ansixiyay codsiga Madaxweynaha.
Dhinaca kalena waxaa ka socda magaalada Garoowe, qabanqaabo xooggan oo loogu Jiro xafladda Caleemo Saarka Madaxweyanaha Cusub ee Puntland, oo lagu wado in ay dhaco bishan Janaayo 26-da.
Xafladaasi ayaa lagu casuumay marti-sharaf badan oo ay ka mid yihiin madaxda DFS, madaxweynayaashii hore ee DKMG iyo DFS, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleeedyada iyo Mucaarad DFS.
WardheerNews
Leave a Reply