Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha Cusub ee Puntland oo ka codsaday Baarlamaanka muddo kordhin ku aadan wakhtiga uu xukuumadda dhisayo

Garoowe( WDN)- Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Md. Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta hortagay Golaha Baarlamaanka Puntland, ayaa ka ocdsaday muddo kordhin ku aadan dhisitaanka Golaha Xukuumadda cusub ee Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Dastuurka Puntland ayaa dhigay in muddo 21 berri ah, marka la doorto madaxweyne cusub uu ku soo dhiso xukuumadda, oo ku ekeyd bishan Janaayo 28-d. Md. Deni oo la doortay bishan Janaayo 8, ayaa ka codsaday Golaha Baarlamaanka Puntland in loogu daro muddo dhan laba usbuuc (14 cisho) muddada uu ku soo dhisayo xukuumaddiisa.

Md Deni ayaa sheegay in markii uu la tashaday Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, daruufo la xidhiidha dhinaca siyaasadda iyo Amniga,  uu codsanayo muddo kordhintaasi 14 cisho.

Baarlmaanka ayaa ansixiyay codsiga Madaxweynaha.

Dhinaca kalena waxaa ka socda magaalada Garoowe, qabanqaabo xooggan oo loogu Jiro xafladda Caleemo Saarka Madaxweyanaha Cusub ee Puntland, oo lagu wado in ay dhaco bishan Janaayo 26-da.

Xafladaasi ayaa lagu casuumay marti-sharaf badan oo ay ka mid yihiin madaxda DFS, madaxweynayaashii hore ee DKMG iyo DFS, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleeedyada iyo Mucaarad DFS.

WardheerNews

 

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.