Madaxii Sirdoonka iyo Nabadsugida Muqdishu oo xilkii laga qaaday

Muqdishu (WDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilkii ka qaaday taliyihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

tuuryare
Cabdiraxmaan Tuuryare

Xi ka qaadista Tuuryare ayaa  lagu wadaa in ay sababtay ammaan darada iyo dilalka joogtada ah ee ka dhaca magaalada Muqdishu. Xeer ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xil ka qaadista Tuuryare loo cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirta isbeddel lagu sameeyo hoggaanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Isla Xeerkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , loogu magacaabay Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo madax ka ah waaxda socdaalka, halka Tuuryare-na loo magacaabey la-taliyaha Wasiirka Amniga Gudaha.

WardheerNews