Wednesday, May 01, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Maati Soomaaliyeed oo Canfartu ku Xasuuqday GAlbeedka Siti iyo Maamulka Cagjar oo Ku Mashquulsan Difaaca Deegaanka Amxaarada

Dirdhaba, Wararka naga soo gaadhaya Galbeedka Siti ayaa xaqiijinaya in maalintii shalay ay ciidamo hubaysan oo ka tirsan maamulka Canfartu ay weerar ku soo qaadeen magaalada Garba Ciise, halkaana ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo aanan waxba galabsan una badan dumar iyo carruur.

Inkastoonaan weli helin tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaas ay maleeshiyada Canfartu ku soo qaadday Garba Ciise ayaa haddana waxaa la xaqqijinayaa in weerekaas ay ku dhinteen dad badan iyadoo qaarkoodna loo dilay si bahanimo ah.

Maamulka deegaanka Soomaalida ayaan ilaa hadda wax wara ka soo saarin weerarkaas iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay ku mashquulsanaayeen ciidamo Soomaaliyeed oo ay u direen sidii ay u difaaci lahaayeen wax ay ugu yeedheen walaalahooda Axmaarada oo weerar kaga imanayo Xoogagga Difaaca Tigreega (TDF).

Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in dhalinyaro gadoodsan oo ka soo jeedda gobolka Siti ay dibadbaxyo ay ku diidanyihiin waxa ka socda Galbeedka Siti ka dhigeen magaalada Dirdhaba iyadoo islamarkaana wararku tibaaxayaan in ay gooyeen jidka muhiimka ah ee isku xidha magaalada Dirdhaba iyo marsada Jabuuti.

Dhanka kale maleeshiyaad ka tirsan maamulka Oromada ayaa iyana dil iyo barakicin ka waday bilihii ugu dambeeyay deegaano ka tirsan degmada Tulli Guuleed oo ku taal duleedka magaalada caasimadda ah ee Jigjiga.

Weeraradaas Oromada oo hadda joogto noqday ayaa sababay dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan oo beerahooda iska qodanaya ayadoo xoolo badanna ay dhaceen maleeshiyada Oromadu.

Waxaa ayaan darro ah in maamulka Mustafe Cagjar iyo adeegayaashiisu in ay difaacaan dadka Soomaaliyeed ee ay mas’uulka ka yihiin iska daaye xataa aanay ka hadli karin oo ay mar walba indhaha ka qarsadaan si ay u raaligaliyaan maamulka Addis Ababa ee ay kaboqaadka u yihiin.

Xubnaha dawladda federaalka Itoobiya ku matala Soomaalida ayaa iyana sidoo kale aan wax damqasho ah u gelin shacabka Soomaaliyeed ee ay sida joogtada u xasuuqayaan Canfarta iyo Oromadu halka ay u barooranayaan Axmaarada.

Guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka ayaa iyana u muuqda kuwo aanay wax saamayn ah ku yeelan dhibta loo geysanayo walaalahooda maadaama Soomaalidu ay yihiin dad uu aafeeeyay cudurka qabiilku.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.