Maanso (qayb): Alshabaab wed weeyaan: Wadaadbay ka beermeen

Maanso (qayb): Alshabaab wed weeyaan: Wadaadbay ka beermeen

W/T Abwaan Maxamuud A. Cabdalle

Afeef: wadaadkii toosan maansadan ma khusayso.
Wuxu yiri:

maanso
Maanso

Alshabaab wed weeyaan
Wadaadbay ka beermeen
Wasiirtoodu culumiyo
Waalidkood gardheeriyo
Wahaabuu galaayoo
Waxa dhalay wabiinkii
Xaqa weecinaayoo
Iyagoo waddaaddo ah
Weesaaqtankii iyo
Waxshinnimo qabyaalada
Weeso u biyaystee
Waddankii Soomaaliya
Qabriga u walwaalee
Dabadeed u weeshaday
U wanqalay siyaasiyo
Annagaa ka weliyiyo
Shareecaan wadnaa iyo
Diin loo wakaashado
Weerka u xidhnaa dhiig
Walcankii khiyaamada
Wargefoow isweydii
Waayadan maxaa jira?

Maanta waa wadiiqayn
Warasooyin gaariyo
Wilaayaat u kala baxe
Waylun duulkii lagu yiri
Wadaad baw horraynoo
Weynahaaba sheegee
Waayadan maxaa jira?

Alshabaab wed weeyaan
Imtixaan wadaaddada
Weynahay u soo diray
Argagixiso waalanoo
Waranka u hamuumoo
Ummaddii wanjalayoo
Muslimkii wadnaha jari
Waabeeyo heensaday
Waayadan maxaa jira?

Wadaad xume dhashiisii
Wixii aan Shabaab gelin
Waddammada Galbeedkay
Dhaqankii ku waayeen
Ka wareege diintii
Waxkastoo xun S
heekhiyo Iyo Macallin iyo
Aw Ayay ugu wacaanoo
Wanaagsane Rasuulkii (CSW)
Kuwa aan ka waabane
Ku wadhwadhi afkaa uri
Wadaaddaa dhalee garo
Wargefoow isweydii W
aayadan maxaa jira?

Waaxidoow na sama bixi…

W/T Abwaan Maxamuud A. Cabdalle
Email:mabdalle@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.