Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in saraakiil Alshabaab ah lagu dileen hawlgal qorsheysan

Muqdisho (WDN)- Dagaal xoog leh ayaa maanta deegaanka Durshaan Shabeelle oo qiyaastii 35 KM u jirta degmada Xudur ee gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ku dhexmarey ciidamada xoogga oo kaashanaya ciidamada deegaanka iyo maleeshiyaad ka tirsan xarakada Alshabaab oo deegaankaasi fariisin ku lahaa.

Qoraal kasoo baxey hoggaanka hawlgalada ciidamada Xoogga Dalka ee Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegay in hawlgal qorsheysan ay saaka ciidamada xoogga iyo maleeshiyaadka ku qaadeen deegaanka Durshaan Shabeelle, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tisan xarakada Alshabaab. Goobtaasi oo uu ka dhacey dagaal xoogan oo ay khasaaro lixaad leh ku gaarsiiyeen Alshabaab oo dhimasho iyo dhaawac leh, hub fara badanna kaga furteen .

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Cumar Cabdiraxmaan oo dhankiisa  warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ciidanka ay arroor hore oo saaka oo isniin ah ay weerar qorsheysan ku dileen, Axmed Moorogaabey iyo Cali Garweyne oo Alshabaab u qaabilsanaa arruurinta lacagaha baadda ah ee bulshada Koonfur Galbeed sida qasabka ah kaga qaadayeen.

Hawlgalkan maanta ay fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo maleeshiyaadka deegaanka ayaa imaanaya maalmo ka dib markii uu madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen  uu  si rasmi ah ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah Kooxda Alshabaab, waxaana kooxdani muddo ku dhaw 10 sano go’doon ku haysaa degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool iyo degmada Waajid. Halkaasi oo raashiinka iyo badeecadaha daruuriga ah bulshada loogu geeyo dayaarado magaalada Muqdisho ka baxa, taasi oo dhalisay sicir barar sareeaya xilli deegaanadaasi ka mid yihiin goobaha ay sida wayn u saamaysay abaaraha ba’an ee Soomaaliya dhuftey.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.