Badhan (LN) Waxa ayaamahan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ka socday shirar gogol xaar u ah dhismaha maamul goboleed lagaga dhawaaqi rabo gobolada Sanaag, Hayland Iyo galbeedka gobolka Bari..

Sheekh Axmed Maxamed Jebiye oo kamid ah hormuudka qabanqaabayaasha dhismaha maamulka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhawaan lasoo dhamaystiri doono maamulka lagaga dhawaaqayo gobolada Sanaag, Hayland iyo Galbeedka Gobolka Bari. Sidooo kale na waxa uu shaaciyey in la dhisay golaha guurtida uu yeelan doono maamulku, Dhawaana la dhisi doono baarlamaanka Iyo qaybaha kale maamulka.
Md Jebiye ayaa hanjabaad warbaahinta u mariyey siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada lagaga dhawaaqi doono maamulka ee ka kala tirsan maamulada Somalilanad Iyo Puntland, Waxana uu sheegay inaysan soo fara gashan karin ama aysan carqaladeyn karin shirarka iminka socda ee lagu yag leelayo maamulkan cusub. Isagoona ugu hanjabay in taalaabo waafi ah laga qaadi doono hadii ay faraha lasoo galaan shirarka iminka socda iyo deegaankaba. Waxana u in siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaankan ee ka tirsan Somaliland ku sheegay kuwo Hargeysa looga yiqaan mukhalasiin usoo shaqa tegay magaalada Hargeysa.
Isku soo wada duub oo dhawaan ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo shirarkan ka socda deegaanka, islamarkaana lasoo dhamaystiro qaybaha kala duwan ee uu ka koobnaan doono maamulkaasi.
Xigasho: Laasqoray News
Leave a Reply