Muqdisho (WDN)- Munaasabad ballaaran oo lagu weynaynayo maalinta caalamiga ah ee xuquuqul insaanka oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 10-Desember ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dawladda federaalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka Soomaaliyeed.
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeybgashay munaasabadda lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Adduunka ayaa hadal kooban oo uu munaasabadda ka jeediyey ku sheegay in shareecada islaamka iyo xeerarka dalka u yaalla ay meel cad iska taageen xadgudubyada ka dhanka ah dumarka iyo dadka nugul, isagoo islamrkaana ku baaqay in aan qiil loo raadin cid walba oo ku xadgudubta xuquuqul aadanaha dalka.
Maalinta caalamiga ee xuquuqul insaanka adduunka ayaa sanad kasta 10-ka Desember si wadajir ah dunida oo dhan looga xusaa, waxaana maalintan u asteeyey xubnaha golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay sanadkii 1948-dii iyagoo soosaarey baaqa ku aadan xuquuqul insaanka adduunka.
Wasaaradda haweenka iyo xaquuqul insaanka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabisey munaasabadda xuska maalinta xaquuqul insaanka, waxaana mas’uuliyiintii munaasabadda ka hadashay farriimo gaar ah u direen saraakiisha iyo mas’uuliyiint hoggaaminaysa hawlgalka ka dhanka ah ururka argagixisada ah ee Alshabaab in ay dhawraan xuquuqda aadanaha isla markaana deegaanada la xoreeyey la geeyo hay’adaha caddaaladda si loola xisaabtamo cidwalba oo ku xadgudubta xuquuqda aadanaha.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdsiho
Leave a Reply