Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maaddada Af Soomaaliga ee Dugsiyada:
Dhaliilaha Jira iyo Dhabbaha Xalraadinta 

W.Q Mustafa Fayruus

In lagu anqariyay ‘Af Soomaali’, kuna dhex koray bulshadiisii iyo dhulkiisii hooyo ka sokow, waxa muddadii laba iyo tobanka sanno ahayd ee uu dugsiga ku jiray uu si joogto ah u soo dhigtay ‘Maaddada Af Soomaaliga’; haddana ma qori karo dhowr sadar oo aan lahayn dhaliil foolxun!! Kaasi waa ardaygii ka soo baxay dugsiga sare. 

Qoraallada rasmiga ah ee ka soo baxa xafiisyada sare ee maamulka (wasaarad, shirkad iwm) waxaad ku arkaysaa khaladaad ah dhinacyada higgaadda, xarfaha labalaabma, adeegsiga  astaamaha qoraalka (joogsiga, hakadka iwm), taxnaanta erayada iyo khaladaad kaleba. Qoraalladan waxaa diyaariya xirfadlayaal la soo xulay, kuna mushaar qaata xirfaddooda qoraalka.1i 

Dhinaca akhriska, waxaa dhacda inaan aragno mas’uul sare, aqoonna lagu og yahay, oo marka uu fagaare ka khudbaynayo ay ku adag tahay akhrinta hadal ama khudbad u qoran. Markuu dhowr jeer ku margadana ay dantu baddo inuu warqaddana dhinac isaga riixo, oo golekafuul miciin bido! 

Dabcan, ardaygaa dugsiga sare ka soo baxay ee qoraalku dhibayo, xirfadlahaa xafiiska jooga ee qoraalka aan saxayn iyo masuulkaa akhrisku ku culus yahay, intaba af Soomaaligu waa afkoodii hooyo, shakina kuma jiro in ay si fiican u yaqaannaan, si fiican oo xarrago leh ayay ugu hadlaan, una fahmaan. Sidaas darteed, dhaliishu maaha aqoontooda af Soomaaliga oo liidata ee waa xirfaddooda qoraalka iyo akhriska oo aan dhisnayn. Waa shaqadii dugsiyada aasaasiga iyo sare loo igmaday.

Tolow xaggee dhaliishu ka jiraa?!  

Af Soomaaligu waa maaddo lagu dhigto dugsiyada Soomaalida heerarkooda hoose, dhexe iyo sare intaba. Dugsiyada hoose/dhexe, waxaa la dhigaa 2-4 xiisadood, dugsiga sarena 1-2 xiisadood toddobaadkiiba. Haddaba, maxay u liidataa xirfadda  qoraalka iyo akhriska Soomaaliga ee ardaygani? Xaggee ayuu biyadays ka leeyahay dadaalkani?! 

Kama hadlayno luqadda waxbarashada ama afka ay ku baxaan maaddooyinka kala duwan, ama ‘medium of instruction’, ee waxaan ka hadlaynaa ‘Maaddada Af Soomaaliga’ ee maaddo ahaan loo dhigo min sannadka 1aad ee dugsiga hoose ilaa sannadka 12aad ee dugsiga sare. 

Ardaygan afkiisa hooyo sida fiican ugu hadli kara, una fahmi kara, maxaa sababay in 12 sanno lagu dhisi kari waayo xirfaddiisa akhriska iyo qoraalka?! Maba yara sannadaha iyo saacadaha galay, ee xaaggee dhaliishu ka jirtaa? Xaggee ayuu dadaalkani biyadays ka leeyahay?! Waa su`aal innooga baahan jawaabteeda. Helidda jawaabtaa ayaa fure u noqon karta dhabbaha xalka. 

Maqaalkani waa faallo kooban oo aan arrintan ku falanqaynayo, oo aan maagganahay inay noqoto qoraal intan ka faahfaahsan. Aan afeef dhigtee, ujeeddada faalladani maaha eedayn iyo calaacal midna. Ujeedadu waa gorfaynta xaaladda taagan iyo dhiraandhirinta talooyin furdaamin u noqon kara dhaliilaha jira.ii Tan kale, faalladaydan iyo dhaliilaha aan tilmaamayo ama talooyinka lagu horumarinayo midkoona uma banbaxayo heerka dugsiga hoose, waxay ku saabsan yihiin heerarka dugsiyada dhexe iyo sare, oo ah sannadada min 5aad ilaa 12aad. 

Sida muuqata, ‘Maaddada Af Soomaaliga’ ardayga waa loo dhigaa oo ma maqna, haddana dheeftii laga sugayay lagama hayo! Sidaas darteed, waa inaan farta ku fiiqno meelaha biyadayska ama dhaliishu ka jirto, si wax looga qabto; dadaalka maaddadan la geliyaana u noqdo mid natiijo loo aayo dhala, faa’iidadiisana laga arko ardayga. 

1. Dhaliilaha Jira 

Dhowr sanno horteed daraasad aan sameeyay, waxay tilmaantay in biyadays iyo dhaliilo dhumuc leh ay ka jiraan dhinacyada muqararka, macallinka maaddada dhiga iyo agabka waxbarashada ee la adeegsanayo intaba.iii Dhaliilahan aan si kooban mid mid isu dul taagno, oo u iftiimiyo. 

1. 1 Muqarar Dheellisan 

Ugu horeynba, dheelli ayaa ka muuqda hannaanka loo abbaaro maaddadan. Sida muuqata, waxaa loo qaatay in maaddada af Soomaaliga dulucda laga leeyahay ay tahay in ardayga la baro ‘Suugaan’, lana xafidsiiyo tiro badan oo gabayo ah. Tani waxay ka muuqataa buugga muqararka maaddadan; waxaa kale oo ay ka muuqataa sida loo soo xulo macallinka dhigaya; waxaa kale oo ay ka muuqataa casharrada uu macallinku mudnaanta siiyo; waxa kale oo ay ka muuqataa maxsuulka uu sito ardayga soo qalinjebiyay. Intuba falagga ‘suugaan’ ayay ku wareegayaan!  

Muqararka af Soomaaliga waxaa ku badan suugaanta, siiba tixda, waxaana ku yar xirfadaha afka iyo adeegsigiisa. Dhaliishani waa mid la bilaabatay muqararkii ugu horreeyay ee la diyaariyay bartamihii 1970-aadkii welina jirta. Inkasta oo dugsiyada dhexe buugtooda lagu magacaabay ‘Soomaali’, haddana casharrada ugu badani waxay ahaayeen suugaan u badan maansooyin, waxaa raacsanaa dhowr cashar oo sheeko ah, iyo dhowr curis ah. Marka dugsiga sare loo gudbo, maaddadu dhammaanteedba waxay isu rogtaa suugaan, waxaana loo bixiyay ‘suugaan’, oo qaybtii afkaba meel baa la iska dhigay. 

Sida muuqata, waxaa jira dadaallo dambe oo u muuqda in dhaliishan lagu baraarugay, iskuna dayay inay wax ka qabtaan. Casharradii suugaanta waxay ku dareen casharro iyo layliyo ardayga ka dhisaya xirfadda qoraalka, magacii buugga dugsiga sare qaarkood waxay ka dhigeen ‘Buugga Af-Soomaaliga’. waa tallaabo jihada saxda ah loo qaaday oo bogaadin iyo ku dayashaba mudan. Welise dhaliishan muqararka way ku jirtaa, wax ku filanna lagama qaban, in baraarug bilowday ayaaba sad ah! 

Waxaa xusid mudan in luqaddu leedahay laba laamood oo waaweyn, waa afka [language] iyo suugaantiisa [literature], mid walbana culuumtiisa ayaa ka farcanta. Waa laba laamood oo mataano ah kalase duwan, bariddoodudana waxay leedahay habab iyo xirfado kala duwan. Sidoo kale, baahida loo qabo barashadoodu way kala badan tahay. 

Ardayga loo dhigayo luqadda, waa in mudnaanta la siiyaa barashada afka iyo afartiisa xirfadood ee dhegaysiga, hadalka, akhriska iyo qoraalka. Iyadoo baahida laga duulayo, suugaantu waxay gelaysaa kaalinta dambe.iv 

Ardayga loo dhigayo afkiisa hooyo, waa in mudnaanta koowaad la siiyaa dhisidda labada xirfadood ee akhriska iyo qoraalka, lana kobciyaa kartidiisa curinta qoraalka toolmoon. Labada xirfadood ee kale, dhegaysiga iyo hadalka, wuxuu ka kasbaday hadal maalmeedkiisa iyo bulshada uu la falgelayo, sidaas darteed, baahida uu u qabaa way kooban tahay.v 

Haddaba, sidaan horaba u tilmaannay, dheelli ayaa ka muuqda muqararka ardayda loo dhigo. Dhinaca suugaanta, gaar ahaan tixda ayuu u dheellisan yahay, weliba si aad ah ayuu ugu eexanayaa. 

Yaan khalad loo fahmin, ujeedadeennu maaha in tix iyo gabayo aan ardayga loo dhigin. Tixdu waa inay saami kooban ku leedahay muqararka, qaybaha kalena waa inay saamigooda leeyihiin; guud ahaanna waa inay ku jaango`an yihiin baahida ardayga iyo sidii loo kobcin lahaa aqoontiisa iyo xirfaddiisa afeed, iyadoo da’diisa maanka lagu hayo.vi 

Isku soo duuboo muqararka maaddada af Soomaaligu kama jawaabayo, kamana duulayo, baahida ardaygu u qabo in sare loo qaado xirfaddiisa qoraalka iyo akhrinta, macallinkuna mudnaanteeda ma siiyo. Ku darsoo, muqararka ayaa qeexaya dhinacyada ardayga laga dhisayo, isla markaana hagaya macallinka oo jihada u jeexaya. Sidaas darteed, qallooca iyo dheelliga ku jira muqararku wuxuu saamayn toos ah ku leeyahay shaqada macallinka. Si kasta oo macallinka Soomaaliga dhigayaa u dadaalo, marnaba ma toosin karo qallooca iyo dheelliga ku jira muqararka, mana baajin karo biyadayska ku jira dadaalkiisa. 

Sidaas darteed, muddadaa dheer ee ardaygan loo soo dhigayay maaddada Af Soomaaligu ma dhalin inuu karti buuxda u yeesho akhriska iyo curinta iyo diyaarinta qoraal toolmoon oo habaysan, saa jihadaaba looma socone! 

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan: Maaddada Af Soomaaliga ee Dugsiyada:  Dhaliilaha Jira iyo Dhabbaha Xalraadinta  

Mustafa Fayruus  
Email: [email protected] 

——————– 

Mustafa Fayruus waa bare jaamacadeed, cilmibaare iyo xeeldheere cilmi-afeedka ‘linguistics’; qayb ka ahaa diyaarinta qaamuuskii ‘Soo Maal – Qaamuus Af Soomaali’, 2013 Jabuuti; ka tirsan Machadka Daraasaadka Soomaaliyeed (Institute for Somali Studies – ISOS), Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) iyo African Academy of Languages (ACALAN).


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.