Qalin bilan, murti wax-ku-ool ah, iyo xiise aan marna damayn ayaa looga bartay qoraaga Siciid Jaamac Xuseen inuu ku soo ifbixiyo qoraalladiisa.
Qoraalcurinta toolmoon gaar ahaan sheekada gaaban iyo maqaalka aad ugu tegayasid buugtiisa Shufbeeel iyo Safar aan Jaho Lahayn iyo kan cusub ee Ma Innaguun Baa ayaa caddayn ugu filan inuu Siciid Jaamac Xuseen habcurintaas hormood ka yahay. (Jaamac Muuse Jaamac)
Haddaba waxaa shacabka Soomaaliyeed loogu bishaaraynayaa inuu soo baxay buugga Ma Innaguun Baa oo aad kula kulmi doontid qoraallo kala geddisan oo aad u xiiso badan oo ay ku jiraan kuwo ku saabsan dhacdooyin badan oo uu qoraagu goobjoog u ahaa.
Haddii aad danaynayso buuggan waxaad kala xidhiidhi kartaa daabacaha buugga Jaamac Muuse jaamac:
E-mail: jmgurey@gmail.com
Leave a Reply