Lataliyaha amniga madaxweynaha DFS oo beeniyey wada xaajood u dhaxeeya dawladda federaalka iyo Alshabaab

Lataliyaha amniga madaxweynaha DFS oo beeniyey wada xaajood u dhaxeeya dawladda federaalka iyo Alshabaab

Muqdisho (WDN)- Lataliyaha Arimaha Amniga ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Xuseen Macalin Maxamuud, ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladda federaalka ay wadahadal la galeyso kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Xuseen Macallin oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan xilligan diyaar u aheyn inay wadahal la gasho kooxda AlShabaab qorshaha noocaasina aanu jirin xilligaan la joogo.

Md. Xuseen ayaa intaasi ku darey in dowladda federaalka uusan soo gaarin codsi rasmi ah oo ka yimid kooxda Alshabaab ay ku dalbaneyso wadahadal.

” Siyaasaddeena ku aaddan wadahadal in lala galo Alshabaab waxba iskama baddelin, wax wada xaajood ah kulama jirno Kooxda haseyeeshee, shakhsiyaadka doonaya in ay kasoo baxaan kooxda waxaa la marin doonnaa nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee madaxweynaha dowladda hore u bixiyey ” ayuu yiri lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya.

Beeninta la taliyaha ayaa timid kadib markii uu arrinkaasi shalay ka dhawaajiyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabdifataax Qaasim. Kala hadalka mas’uuliyiinta dowladda, ayaa dad badani ku sheegeen in ay tusayso in aanu jiran qorshe iyo wada shaqeyn midaysan oo u dhaxaysa ha’yaddaha xukuumada.

Arinka ku saabsan wada xaajoodka dawladda federaalka iyo kooxda Alshabaab ee horey uu uga dhawaajiyey wasiir ku xigeenka gaashaanka ayaa imaanaya xilli Alshabaab ay guul darooyin xooggan kala kulantey hawlgalka wada jirka ah ee ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee loo yaqan Macawisley. Kaasi oo sababey in kooxda lumiso deegaano muhiim ah oo muddo ka badan 10 sano ka talinayeen.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.