Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

LAFDHABARKA DHIBAATADA SOOMAALIYA

Qore: Maxamed Nuur Shire

Kolka laga hadlayo dhibaatada Soomaaliya waa lagu kala aragti duwanyahay, iyada oo qof kasta meel ula muuqato in guriga ay dhaxantu ka soo galeyso, waxaana sidoo kale lagu kala beyraa sida loo wajahayo iyo halka laga bilaabayo.

Dhibaatooyin badan oo hadda inoo muuqda la iskuma diiddana iney ka dhasheen burburkii ku yimid qarannimadii Soomaaliya. Haddii aan tusaale ka dhiganno, qarannimadu iney hooyo tahay; hooyada ayaa isku haysa xarigga qoyska, haddii hooyadu dhimato, dadkii ay dhashay ee walaalaha ahaa waxay u badantahay iney kala tagaan oo midba meel uu ka dhaco. Sidaas oo kale, qarannimada burburkeeda dadkii hoos harsanayey ayaa afarta jiho u kala yaacaya, sida maanta qof kasta uu arki karo.

Haddii aan isla qirno ama aad igu raacsantahay in dhib badan oo aan dhex yuururno uu ka dhashay qaran jabkii Soomaaliya, waxaa mudan inaan is weydiinno, “maxaa salka dhulka ugu dhuftay qaranka cid walba xalkiisa baadigoobeyso welina loo kabsan la’yahay”?

Caddaalad La’aan

Caddaaladdu waa wax lagama maarmaan u ah bulsho kasta oo meel ku wada nool, ama ay wax uun ka dhexeeyaan, dhismahooda iyo wadajirkooduna waxa bila oo caadda sare geeya caddaalad, halka dhinaca kale burburkooda iyo baaba’ooda ay horseeddo marka caddaalad dhexdooda laga waayo.

Caddaalad la’aantu laba waji ayey leedahay; 1)  in dadka wax siinta loogu kala eexdo; eexdaas waxa ay noqon kartaa mid ku timaadda qaraabanimo, siyaasad ,  aragti iyo laaluush. 2) in qof ama dad gaar ah loogu xadgudbo haybta ay yihiin, aragtidooda siyaasadeed, aragtidooda diineed, iyo laaluush cid kale looga qaatay ku xadgudubka dadkan.

Caddaalad yarida iyo ku xadgudubka dadka dhuuxa ayuu Soomaalida ka galay, waxaana wax aan qiimo ku fadhiyin oo deero aysan deero kale u hardin noqday, daadinta dhiigga xaq darrada ah, boobka hantida iyo waxa bulshadu wadaagto, ku xadgudubka sharafta dadka, iyada oo la iska laalay ama aan la dhaqangelineyn sharcigii dadka kala hagi lahaa, kaas oo laftigiisa dadka qaar ay ka dhigteen mid danahooda ka shaqeeya.

Caddaalad darrada waxaa ka mid ah, jagooyinka iyo xilalka dawladda iyo maamullada laga qabanayo oo dad gaar ah loogu eexdo, ardada deeqaha waxbarasho loogu dirayo dalalka dibadaha, askarta tababarrada loogu dirayo dibadaha, shaqooyinka la siinayo dadka oo si aan aan caddaalad ahayn dadka loogu qeybiyo; halka wajiga kale ee caddaalad darrada ay ka mid yihiin in intaasba dad mudnaa oo xaq u lahaa loogu diido wax aysan kasban oo aysan shuqul ku lahayn.

Musuqmaasuq

Tiirka labaad ee Soomaalidu siibtay oo qarannimadu ku taagantahayna waa hufnaanta iyo muunada dawladnimada iyo xitaa dad -la-dhaqanka, waxaana taas aan ku beddelanay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Cilmibaaris ay sameysay jaamacadda Delhi ee dalka Hindiya ayey ku sheegtay in musuqmaasuqu uu  yahay ibtilo galaafaneysa cid kasta, xitaa kuwa musuqmaasuqa sameeya, waxaana cilmibaaristu tusaaleysay, qof dhakhtar ku noqday eex oo markii dambe kii u eexday uu daaweyn u doontay, ka dibna aqoontiisii gaabneyd ee musuqa ku timid uu eersaday oo naftiisa ku waayey midkii musuqa u saneeyey ee u sahlay shariga uu dhakhtarka ku noqday.

Aragtida dadka Soomaaliyeed dawladnimada ka qabaan ayaaba ku qotonta in dadka xilalka qabanaya ama danta guud ka shaqeynaya ay sida ay doonaan ugu tagri falaan ammaanada ay gacanta ku hayaan, waxaana aad u yar cid si hufnaan ah isaga ilaalisa waxa dadka ka dhexeeya. Soomaalidu waxa ay wada garaneysaa dad xilal qabtay oo hanti aan xisaab lahayn ka sameystay intii ay xilka hayeen, taas oo dad badan iimaanka ka soo ridday, ayna ulo booc ah ugu tukubayaan sidii ay mar uun u heli lahaayeen fursad ay kaga shaqeystaan xilalka loo dhiibo ee asalkoodu ahaayeen in shacabka iyo danta guud loogu adeego.

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo aan wax ka weydiiyey sababta ay dadku isaga dhowri la’yihiin hantida qaranka iyaga oo haddana Muslimiin ah, ayaa waxa uu iigu warceliyey, iney aad u yartahay ka wacyi gelinta arrintan gaarka ah ee bulshada. Sidoo kale, dadka oo asal ahaan jecel dhaqaalaha bilaashka ku soo gala, waxa uuna shiikhu intaas iigu daray in dadka aan damiirku celineyn ay ku fiicneyd inuu jiro sharci la xisaabtan oo xakameynaya.

Qodobka musuqmaasuqa waa caqabad balaaran oo ku horgudban qarannimada Soomaaliya, waxaana xalkiisu noqonayaa in damiirku shaqeeyo, oo la ogaado hanti dadweyne oo caloolaha laga buuxsado ineysan bi’ineyn gaajo ee waxa lagu dhergi karo ay tahay waxa aad xaqa u leedahay oo aad iimaansato. Sidoo kale, sharci la xisaabtan oo qofka damiirkiisu celin waayo waa muhiim, si ugu yaraan sharcigaas looga baqo.

Tirsiga dunida ee sida dalalku ugu kala badanyihiin musuqmaasuqa ayaa waxa uu muujinayaa in dalka Denmark uu yahay dalka ugu musuqa yar dunida, halka Soomaaliya mar kasta ay tirsiga ka gasho halka ugu hooseysa oo macnaheedu yahay: in Soomaaliya ay tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida.

Qodobada dib-u-kabashada ay u soo degdegi  la’dahay waa ay badan yihiin, balse labadan qodob (caddaalad darro iyo musuqmaasuq) ayaan is leeyahay waa ugu culusyihiin, iyada oo halka arrimaha kale ee dadka qaarkood tiriyaan dawlado badan oo dunida saddexaad u badan la noolyihiin, balse dalladda qarannimada ee u dhisan ay gabbaad uga noqotay dhib badan oo dadka iyo dalka Soomaaliya ay bannaanyaal u yihiin muddo dheer.

Maareynta Mahadhooyinka Is-barkan

Waxaa inta wax la socota ay isku raacsanyihiin in labaatankii sanno ee la soo dhaafay ay dalka ka jirtay dawlad Soomaaliyeed hadba geed ha soo harsatee, qalfoofkii dawlanimaduna uu inoo dhisanyahay, balse dadka Soomaaliyeed xataa kuwooda xilalka haya marka ay warramayaan waxaa afkooda ku badan in dawlad aysan jirin oo lagu jiro xilli dawlad la’aan ah.

Waxa maqan ma aha dawlad ee waa dhuuxa dawladnimada, waana middaas tan qeexidda rasmiga ah loo la’yahay, xalkeedana meelo kale laga goobayo; dhuuxa dawladnimada lama abuuri karo, balse waa la naaxin karaa.

Wax aad haysato baadi-goobkiis waa wareer iyo maskax daalis, balse waxa kaa maqan raadintiis waxaa kaa xiga inaad garaneyso waxa kaa maqan iyo inaad garaneyso halka aad ugu hagaagi karto, labadaas haddii aad xaqiijisana waxaa hubaal ah inaad ku taagantahay waddadii ku geyn lahayd sidii aad ku heli lahayd baadida aad daydayeyso. Dawlad waa ay jirtaa ee in irbad dawladnimo oo caafimaad qabta lagu mudo ayaa inoo dhiman; xanuunka yar ee irbaddana aynu u adkeysanno.

Waxaa isla markaba kugu soo dhici kara “haddii ay dawlad inoo dhisantahay, xaggee wax iska qabsan la’yihiin? Waa weydiin dad badan muddo dheer is weydiinayeen, laguna falanqeeyo doodaha qaabeysan iyo kuwa fadhi-ku-dirirradaba.

Dawladda waxaa lagu wadaa oo ay dawlad ku tahay waa dhaqangelinta sharciga ay ku dhisantahay iyo sida loo qadariyo. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa, “maan rageed waa mudacyo afkood”.. Mudacyada ineysan is mudin waxaa ka hortagi kara wixii xeerar iyo sharciyo ah ee dalka u yaalla oo la dhaqangeliyo, waana waxa bulshooyinka isku haya. Makula tahay haddii labaatan iyo laba cayaaryahan oo soddon jir ka yar, ama badankood ka yaryihiin oo xanaaqsan oo kubbad cayaaraya, haddii uusan garsoore ku dhexjirin oo sharciyo ay garanayaan lagu kala hagin in quruxda maanta kubbadda cagtu leedahay ay yeelan lahayd?

Haddaba, sidee malaayiin qof oo doonaya iney sharciga gacanta ku qaataan, ama sharcigu iyaga ugu adeego sida ay doonaan ay dawlad wanaagsan oo cagaheeda isku taagta u yeelan karaan? Dadka dunida ku nool nagama wanaagsana ee. wixii ay ku heshiiyeen ayey ku kala degganyihiin, innaguna dhammaanteen ayaa sharciyo soconaya ah, ama sharciga inoo yaalla shardi uga dhignay inuu qof kasta/qabiil kasta gaar ugu adeego, haddii taas la waayana ka doorbidnay in dalkuba sida hadda uu yahay uusan iska beddelin.

Waxaan filayaa in hadda maankaaga ay ku soo dhaceyso in dunida iyo dariska Soomaaliya ay ka jiraan dawlado qodobada aan ka hadleynno (caddaalad la’aan, musuqmaasuq iyo sharciga oo aan la dhaqangelin) inala qaba ay ka jiraan, haddana taagan oo aan burburin; warcelinta ugu fudud ee qalinkeygu soo dafayo ayaa ah, in dawladnimadu ay tahay wax xoog badan oo haddii aysan burburin ay u adkeysan karto cudurro badan oo dawlad la’aantu u nugugashahay, dhibaatooyin badan oo innaga aan la kici la’nahayna iyaga oo jira ayaa hadda dalalkaas ay la noolyihiin.

Haddii mar kale aad is weydiiso “sow adigii dhowr sadar korkood moogu soo sheegay inaan dawlad leenahay ee dhuuxeedu naga maqanyahay”, waxa aan ku leeyahay markaasna “dawladdeenii ayaa jilbaha dhulka dhigatay 1991-dii, kolka, iyada oo tabar daran oo wax kale aan xamili karin ayaa qalfoofkeedu noo taaganyahay, sidaas daraadeed, wax badan oo dawladaha kale u adkeysan karaan teennu (dawladdeennu) ma xamili karto.

Qodobbo Soomaalidu Ku Sheegto Iney Dawladdeennii Burburiyeen:

Maadaama aragtiyuhu kala duwanyihiin iyo halka wax laga eego, ayaa marka laga hadlayo sababaha Soomaalida dhextaagay dhibaatooyinka badan ee haddana xal la isku raacsanyahay loo gaari la’yahay ayaa qof walba, ama dadka qaarba ay meel ku dhuftaan, waxaas oo dhanna jiritaankooda la iskuma diiddanee, sida ay u kala horreeyaan iyo sida midba mid u dhashay ayaa lagu kala tagayaa mar kale.

Qax iyo Barakac

Qaxa iyo barakucu waxay ku yimaadeen, kolkii caddaalad darro, musuqmaasuq iyo shraciga oo la ixtiraami waayo ay dhaceen, ka dibna ay dadku ka kaceen, ka dibna dagaallo ay qarxeen, ayaa dadku qaarna dibadaha u qaxeen, qaarna dalka dhexiisa ku barakaceen; waxaa ka sii dhashay qaxooti, faramarnaan iyo shaqo la’aan; waxaa sii xigay niyad jab kaamamka dadka gacanta maran lagu quudiyo, isla markaasna lagu han jebiyo oo “hooyoo ha dhergelin” hal-ku-dheg looga dhigay.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha arrimahaas ka dhashay qabyaalad iyo in lagu dagaallamo wax kasta oo dadka soo dhexmara, jagooyin, dhaqaale iyo macaawimo, iyada oo caddaalad darridii iyo musuqmaasuqii aan jeebka ku wadanno, isla markaasna aan Alle ka tuugeynno inuu dalka noo hagaajiyo. Sow Eebbe ma oranin, “Ilaahay dad xaalad ay ku suganyihiin kama beddelo in iyagu ay is beddelaan ma ahee”? Haa oo haddana waa dhab hadalka Eebbe.

Wax la’aanta waxaa sii sababaya, halkii qoys ee tobanka qof ka koobnaa (Hooyo, Aabbe, lix ay dhaleen iyo laba walaalahood dhaleen) oo hal guri ku wada noolaa (1991-dii ka hor) maanta wixii ka nool waa 60 qof haddii aynu yareyno; tiradu waa badatay, dakhli la sheegana majiro; shaqo la’aantuna waa badantahay; sidee marka nolol wanaagsan iyo farxad loo helayaa?

Qurbihii loo qaxay waxaa ka dhashay in ubad badan oo meelahaas ku dhashay ama ku koray ay afkii, dhaqankii iyo diintiiba ku yaryihiin, haddii aysanba ka tegin, waxa kaliya ee ay xasuusanyihiin ama garanayaanna waa iney ka soo jeedaan dal Soomaaliya la yiraahdo, oo dadkiisa iyo halka uu ku yaallo aysan waxba ka garaneyn. Allow sahal arrimaha.

Culimada intooda badan waxa ay aaminsanyihiin in dalkii iyo dawladnimadii ay burburiyeen fan iyo fannaaniin, haddii ay hees iyo cid ku hawlan arkaanna waxa ay ku wacdiyaan in fasaad iyo Alle ka fogaansho ay dalka ibtilada haysata u sababeen, haddii dadka qaar ay tusaale u soo qaataan dalal naga sheneemooyin iyo tiyaatarro badan ay dawlado xasiloon leeyihiin, waxay u arkaan weydiimo aan habbooneyn oo qof quman uusan is weydiinin.

Maxaa Xal Ah?

Haddii aan sababta isla garannay xalkuna waa inoo muuqdaa, haddiise aan si kooban u soo uruuriyo waa sida soo socota:

  1. Sharciga oo aad loo qeexo dadkana la baro. Taas waxa ay sahli kartaa in la tixgeliyo oo lagu wada kalsoonaado, waayo qofna wax uusan garaneyn kuma kalsoonaado, wax uusan ku qanacsaneynna ma tixgeliyo.
  2. Caddaaladda oo aad loo xoojiyo. Dawladaha horumaray wasaaradahooda kuwa ugu mudan waxaa ka mid ah wasaaradda caddaaladda, waxayna sidaas u yeeleen waa mudnaanta ay leedahay. Sharciga oo loo simanyahay waxa ay soo dedejin kartaa xal meelo fogfog ama uusan xal jirin laga doonayo oo si fudud qarankeenna dib u xoojiya.
  3. Hufnaanta dawladda oo lagu dedaalo. Saddexdan qodob waa isku sidkanyihiin; musuqmaasuqa waxaa lagu ilaaliyaa caddaaladda oo la dhowro oo cid kasta wixii ay xaq u leedahay hesho, caddaaladana waxaa lagu dhawri karaa sharciga inoo dhexeeya oo la wada qadariyo.

Wixii intaas dheer dawladnimada ayaa xalineysa, dadkuna dalkooda meel ay ka jecelyihiin ku noolaanshihiisa majirto, haddii ay arkaan dal iyo dawlad ay isku halleyn karaan; dawladdii Kacaanka 1969-1991) ma ahayn dawlad wadaaddo ay hoggaamiyaan, haddana wasaaraddeedii warfaafinta waxa ay lahayd waax u qaabilsaneyd faafreebka, iyada oo aan la oggoleyn filimaanta iyo riwaayadaha anshax xumida xambaarsan ee dalka dibaddiisa ka imaanayey, ama dalkaba haddii ay cidi ku fekerto iney ku dhex sameeyaan.

Kolka, wax badan oo dad gaar ah ay maanta qaadi kari la’yihiin dawlad shaqeysa oo micnihii dawladnimo leh ayaa innagaga fillaan lahayd, dadkuna danahooda gaarka ah ayey fursado kuwan ka wacan u heli lahaayeen.

Qore: Maxamed Nuur Shire

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.