W/Q: Maxamed Dalmar
Muddo hadda laga joogo 23 sano ayaa dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacday, hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyaddu burbureen, sharcigii iyo kala dambeeyntiina suuleen. Haddana lacagta shilin Soomaaligu weli way shaqaysaa, waana firfircoon tahay [1]. Waa arrinta ka yaabisey aqooynyahannada dhaqaalaha adduunka oo soo jiidatay dareenkooda. Daraasado, qoraallo iyo dood-cilmiyeed xiiso badan ayaa ka socda jaamacadaha iyo bogagga internetka adduunka qaarkood. Waxaa la isweeydiinaya maxay tahay sababta suurtogelisey in lacag dawladdeedii dhacday 23 sano ka hor oo weliba la been-abuuray ay weli wareegto oy wax goyso? Maxaase darsi ah oo laga baran karaa? Mise loo heli karaa qiil ku salaysan culuunta dhaqaalaha?
Waxaan qoraalkan uga golleeyahay in aan ardayda jaamacadaha Soomaaliya, siiba qaybaha dhaqaalaha, ku dhiirri geliyo in ay ka qaybqaataan dood-cilmiyeeddan. Waa mawduuc ku habboon in laga diyaariyo daraasadda ama buugga qalin jebinta (thesis).
Dib u milicsi kooban ee taariikhda lacagta
Taariikhda lacagtu waa ka qotodheer tahay mid halkan lagu soo koobi karo. Waxay soo martay waayo, heerar iyo habab kala duwan illaa la soo gaaray sannadkii 1880[2]. Waa xilligii adduunkoo idil uu ka hirgalay habka dahabka ku saleeysan (Gold Standard) oo xeerinayey in dawlad kasta oo habkaas qaadatay ay qiimaha lacagteeda ku salayso tiro go’an oo dahab ah, isla markaasna ballanqaaddo in ay lacagteeda xaashida ah u beddeleyso dahab (lacag adag) mar allaale iyo markii laga codsado. Tusaale ahaan, geniga Ingiriisku wuxuu waagaas u dhigmay 113 grain oo dahab ah. Taas oo micnaheedu yahay in qofkii haysta hal geni oo xaashi ah loogu beddeleyo dahab dhan 113 grain markuu codsado.
Maqaalka oo dhan halkan ka akhri: Lacagta ShilinkaSoomaaliga
Maxamed Dalmar
Email:mdalmar@sympatico.ca
——————
Maxamed Dalmar waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana barre ka ahaa kuliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacada Soomaaliyeed. Dalmar waxa uuu ka faaloodaa arimaha dhaqaalaha oo uu ku soo qoro degelkan WardheerNews.
——————–
Qoraalo la xidhiidha mawduuca lacagta Soomaaliya:
Waraysi (maqal) Maxamed Dalmar: RaadRaac- Raadiyo Wardheer
Leave a Reply